Xuutiyiinta oo la wareegay Magaalada Ticis Yemen

Xoogaga Xuutiyiinta Shiicada ah ayaa maanta la wareegay qeybo badan oo ka mid ah magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Yemen ee Ticis.

Garoonka diyaaradaha magaalada ayaa ka mid ah goobaha ay la wareegeen Mucaaradka Xuutiyiinta ah.

Ciidamada Xuutiyiinta oo ku labisan dharka milateriga ayaa lagu arkayay garoonka diyaaradaha iyo qeybo ka mid ah magaalada, sida ay goob joogayaal ay xaqiijiyeen

Labaatameeyo taangiyo iyo gawaarida milateriga oo ka yimid waqooyiga Yemen ayaa la soo warinayaa inay ku soo wajahan yihiin dhinaca Ticis.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dibad baxyo looga soo horjeedo Xuutiyiinta ay ka socdeen wadooyinka magaalada, iyadoo ciidamadana ay rasaas cirka ugu ridayeen dadka isugu soo baxay.

Magaalada Ticis oo ah magaalo istiraatiiji ah ayaa isku xirta caasimada Sanca iyo magaalada koofurta ku taala ee Caden.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa la wareegay sanadkii hore Caasimada Yemen ee Sanca, waxaana magaaladaas ka cararay madaxweynihii Yemen iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Yemen.

Sabtidii ayaa Mareykanka waxaa uu ku dhawaaqay inuu la baxayo ilaa boqol askari oo ciidamada gaarka ahaa oo ku sugnaa dalkaas, kuwaasoo ciidamada Yemen tababaro siinayay.

Leave a Reply