logo

VIDEO: Gabar Somali oo ka baxday Diinta Islamka

Gabar Somali-British ah oo noqotey gaalo ama ka baxday diinta Islaamka ayaa waxaa la sheegay inay arintaas ay ku keentay dhibaato baaxad weyn ka dib markii ay qoyskeedii deyriyeen islamarkaana ay u jareen gebi ahaanba xiriikii kala dhexeeyey gabadhaas Soomaaliyeed ee gaaloowday.


Gabadhaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Amaal Faarax oo 33 sano jir ah kuna nool dalkaas Ingiriiska ayaa gebi ahaanba ka baxday diinta Islaamka oo noqotey qof gaalo ah arintaas oo ay aad iyo aad uga xumaadeen waalidkeed gaar ahaana hooyadeed, gabadhaan ayaa markii ay u sheegtay hooyadeed inay ka baxday diinta Islaamka waxay hooyadeed u sheegtay inay iyada iyo Ilaahay ay dooraneyso ALLE halkaasna ay xiriirkooda ay ugu jartey iyadoona mudo ka badan ilaa iyo 8 sanadood aysan wax xiriir ah kala dhaxeynin gabadhaas iyo hooyadeed iyo qaraabadeeda kale oo dhan, Gabadhaan ayaa waxay sheegtay inuu aabaheed ahaa Janaraal ciidamada ah dowladii Kacaanka oo uuna ku geeriyooday miino ku qaraxday.

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Soomaaliyeed ay noqotey qof gaaloobay ayaa arinta la yaabka leh waxay tahay iyadoo gabadhaasi oo ku dhalatey magaalada Muqdisho islamarkaana ay ka mid ahayd dadkii ka soo qaxay dagaalada sokeeye ee Soomaaliya xilli ay da’adeedu ay ahayd ilaa iyo 18 sano jir aan lagu tilmaami karin qof ku dhaqan iyo diin doorsoomay wadamada gaalada maadaama ay timid dalka Ingiriiska iyadoo ah qof weyn oo caqli leh islamarkaana lagu soo barbaariyey diinta Islaamka, Gabadhaan oo u muuqatey inay tahay qof iska gadaaya wadamada reer galbeedka ayaa waxay wareysiyo joogto ah ay siisaa warbaahinta dalka Ingiriiska oo ay kaga waremayso sida ay ku gaaloowday iyadoo inta badana ku calaacasha ama ku beerlaxawsato inay ku farax san tahay inay joogto dalka Ingiriiska maadaama la dili lahaa hadii ay joogi lahayd dalka Soomaaliya.

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply