FAALLO: Tarxiilka Norge iyo tala Xumadda Soomaalida! (Bile Baastey).

19005 Waxaa dhagaheena si aan kala go’ lahayn ugu soo dhacaya tarxiilka ka dhanka ah Soomaalida ku nool dalka Norwey kuwaasoo dagaalo daba dheeraaday kaga soo carareen deegaano kala duwan oo ka mid ah dhulka Soomaaliya oo ilaa iyo hadda aynu ka jirin nabad geliyo buuxda oo la isku haleen karo.

Haddal heenta ugu badan warbaahinta Norwey ayaa noqotay arrinkan ugubka ah ee la doonayo in qaxootiga Soomaaliyeed lagaga tarxiilo (Musaafuriyo), dad tiradoodu lagu sheegay 1600 qofood ayaa la tilmaamay in dib u eegis lagu sameen doono kiisaskoodii hore  kuwaa oo isugu jira haween, caruur, dhalinyaro iyo waayeelo u baahan daryeel Caafimaad isla mar ahaantaana waqtiyo kala duwan soo galeen dalka Norwey in badan oo ka mid ah dadkaasina waxay mar hore qaateen sharciga magangelyadii ay codsadeen, in kastoo ay jiraan qaar tiradda dadkaasi ka mid ah oo helay diidmo.

Xili aan ku sugnaa goob laga raaco basaska (busstasjon) magaalada Bergen ee dalka Norwey ayaa dhowr qofood oo meel aan sidaa iiga sii fogeyn ku sheekeesanayay ayaa mid ka mid ah waxa uu yiri “Miyaad maqasheen in Dowladdu ay qaadatay go’aan lagu tarxiilayo Soomaali badan dibna loogu celinayo deegaanadii ay ka kala yimaadeen”.

Oday malaha aan ku qiyaasayo in dadkii halkaasi ku sugnaa inuu ugu da’weynaa ayaa soo booday oo markiiba yiri “walee maanta iyo maalmahanba war wanaagsan maanan maqleen, haddii dowladda aan magangeliyada usoo raadsanay ay u soo xusul duubatay qaxootiga Soomaalida waliba ogolaasho la’aan ku tarxiisho, iyadoo aan ognahay in wadankii wax iska badalay oo amaan buuxa xiligan aysan ka jirin marka laga reebo Niman madax isku sheega shilimaad ay qaateen dartood talaabadan loo qaadayo”.

Intaan dhankoodii ku dhawaaday si aan u dhuuxo guuxa iyo hadal heynta ayaa kii kale hadalkii qaatay oo yiri “Ina adeer yaaloow haddii aynu Soomaali nahay tala xumadda nagu habsatay ayaa ina baday in maanta sharciyadii dib noolagala ceshado, la yiraahdo dib u eegis baa lagu sameynayaa codsiyadiinii magangeliyo, bulshooyinka kale ee nala midka ahna ka fara dheeraano…..sababtuna waxay tahay haddii maanta dhib aniga igu dhaco (ALLE iguma keenee) ma jirto ruux Soomaali ah oo ila damqanaya iina soo gurmanaya dareenka murugada leh ee isoo wajahay ugu yaraan ila xanuunsanaya, in lagu caawiyo iskaba daaye waaba laguugu qaxween maalmahaas adigaa miiska saaran”.

Iyadoo marba marka ka dambeysa ay sheekadda hadba dhinac uga gorfeynayaan ayaa mid hor leh hadalkii qaatay isagoo cod gaaban oo aan is leeyahay waxa uu diidayaa in hadalka la maqlo ayuu la soo booday.

“Geeridii galbeed laga sheego guntaada ka filo..” ayuu ugu horeen ku daah furay hadalkiisa isagoo sii raacsaday “Xaaladda tarxiilka Soomaalideena sidaan moodeenu sheekada way ka ween tahay arrinkuna ma ahan Xamar ayaa nabad ah iyo deegaan heblaayaa gafuur duubtii laga saaray, Soomaaliya inaysan ka jirin Amaan adduun weynahaa marqaati ka ah, barqacad ayaa wixii la doono lagaa yeelanayaa cid kaa horistaagi kartana ma jirto”.

Isagoo hadalkiisa sii wataa waxa uu yiri “Dowladda Norwey waxay sanooyin ka hor xiligii dowladdii dhexe dalka ka jirtay isku dayday inay baddeena shidaalka dhex ceegaaga iyo qeyraadka kale soo saarto….hase ahaatee umma suurtagelinoo waa laga diiday…..halkaas kuma ekaane wixii xiligaas ka dambeeyey mar waliba waxay ahayd kuwo fursad raadis ah ilaa dowladnimadeenii aan sharafta iyo cisaha ku lahayn meeshii ka baxday”.

“Norwegian-ku tan iyo burburkeena kadib  waxay fursad kale oo lama gefaan ah u aragtay inay dhanka Kenya u marto sidii ay badda ku hantin lahayd….waxay dowladda Norwey Kenya u meerisay inay baddeena sheegato gaar ahaan meelaha ceelasha shidaalka leh waa halka hadda dooda culus ay ka socoto, iyadoo afka u buuxisay shaqsiyaad….haddii ay Kenyaanku guusha raacdo helaana badeena ay Norwey shidaalka iska dhuuqdo markay soo saarato kadib…”.

“Markii ay soo ifbaxday in qurba joogta Soomaalida meel kasta oo ay Adduunka ka joogaan oo aan anaga hadda Norwey kuwa ku nool ka mid ahna ileen qurba joog un baynu nahee loo wada  istaagay difaacashada badeena waa tan keentay tarxiilka iyo guuxa iyo hadal heynta maanta taagan”.

Mid kaloo hor lahaa hadalkii soo dhex galay oo isna markiisa ka dhawaajiyey sheeko kale oo cusub wuxuuna hadalkiisa hor dhac uga dhigay “Arrimahaan aad ka hadasheen wax igu cusub ma ahan gaar ahaan tan damaca sheeko xariirada  Norwey ee badeena….iyadoo ay taas jirto waxay ila tahay dhibaatooyinka halkan inagu heesta in kastoo ay iska fara  badan yihiin haddana waxaan dhihi karaa carab dheerideenana qeyb ayay ka tahay kacdoonkaan, waayo waa la ogyahay haddaa Soomaali nahay inteena badan codadkeena jeebka kore in aan ugu shubno xisbiga shaqaalaha (Arbeiderpartiet), marka siyaasadii baan qeyb ka noqonay beegsasho inay jireeso miyaad moog tihiin” ayuu yiri isagoo dhoola cadeenaya ayuu kusoo xiray hadalkiisa maah-maahdan “Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya” oo aan u fahmay inuu kala jeeday xisbiga shaqaalaha.

Dooda oo meel xasaasi ah maraysa waxaa soo istaagay mid ka mid ah baskii aan sugayay aniga iyo dadkii sheekadda iyo guuxa dhexmarayay ee aan dhageestaha un ka ahaa halkii ayaana ka kala raacnay basaskii kala duwanaa iyadoo midba jihadii uu ku jeeday u dhaqaajiyey, in kastoo aan sii jecleesanayay inay doodu sii socoto si wax badan halkaa uga fahamno.

Ugu danbeentii anigoo ah qoraha Qormadani Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey) waxaan gun iyo gunaanad uga dhigayaa in loo baahan yahay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norwey inay ahaadaan dad isku talo ah, meelna la iska dhigo tala xumadda inagu habsatay, la iskana ilaabo shaqsiyaad sheegta inay matalaan dadka Soomaaliyeed taasoo aan dhihi karo sabab ween ayay u yihiin noocyada dhibaatooyinka kala duwan ee la soo darsa Bulshadeena maadaama aysan jirin talaabooyin kaga aadan wax ka qabashada arrimaha mushtamaca Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan dalkani.

Waxaa Diyaariyey:- Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

Leave a Reply