DAAWO SAWIRADDA: Masjid HUDA magaalada Bergen oo u baahan dayactir.

In Masaajid la dhisaa waa shay aad u qaali ah oo ALLE agtiisa qiimo wayn ku leh sida uu Rasuulkeena Nabiyulaahi Maxamed (NNKH) inoo sheegay in badan oo ka mid ahna quraanka lagaga waramay diinteenuna inagu dhiira galinayso in ruuxii masaajid dhisaa ama ka qeyb qaataa  uu isagana ALLAAH janada guri uga dhisayo ayaa rasuulkeenu (NNKH) inoogu xaqiijiyey axaadiista.

Haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka sawiradan muujinaya Masjid HUDA oo ku yaala Xaafada Danmark plass gaar ahaan Ex Europris halkii horey u daganaan jiray kaa oo u dhaxeeya I train Danmarksplass iyo Coop Extra Magaalada Bergen ee Dalka Norwey oo dib u dhis aad u weyn u baahan.

Masjidka waxaa aad uga faa’iidaysan doona Muslimiinta aadka u faraha badan, sidoo kale Caruurta iyo Dumarka Soomaaliyeed ayaa uga faa’iidaysan doona daruusaha kala duwan ee Qur’aanka kariimka iyo axaadiista.

Muuqaalada aad arkeysaan ee ka muuqda sawirada kala duwan ee aan idinkaga soo qaadnay dhismaha masaajidku, sida aad u jeedaan waxa uu u baahan yahay dayactir aad iyo aad u xoogan, meelaha ugu daran waxaa ka mid ah Goobaha loogu talagalay in lagu weesa qaato oo aan hagaagsaneen, Musqulaha oo dhismo xoogan u baahan.

Biyaha Masjidka ku jira waa qabow waxaana ugu wacan haamankii kululeen lahaa oo aan hagaagsaneen una baahan is badal lagu sameeyo, sidoo kale roogaga masaajidka (Sijaayadaha) qeyb yar ayaa suuragashay in la dhigo roogag dadka ay si KMG ah ugu dukadaan, waxaana banaan dhul aad u ween oo u baahan in roog la dhigo si muuqaalka masaajidka u noqdo mid aad u qurux badan dadkuna guud ahaan dhulka masaajidka ay ku dukadaan, xitaa masjidka waxaa yaala ilaa afar kutaab oo qaar ka mid ah jameecada masaajidka ay ka soo qaadeen guryahooda waxaana loo baahan yahay kutaabo aad u fara badan.

Sidoo kale Masjid HUDA oo ku fadhiya dhul aad u ween isla markaana u kala qeyb qeybsan loogu talagalay in ay ragga ku dukadaan, qeybta Dumarka iyo waliba qeyb dugsi Qur’aan loogu talagalay in caruurta, Haweenka, Dhalinyarada iyo waliba dadka waa ween lagu baro Xifdinta Qur’aanka Kariimka maalin kasta todobada maalmood ee Maalmaha isbuuca.

Walaalayaal waxaan la hadlayaa Reer Bergen si qaas ahaaneed, si guud ahaaneedna waxaan ula hadlayaa Umadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norwey iyo guud ahaan Adduunka dacaladiisa ka qeyb qaata dayactirka iyo qurxinta masaajidka waa sadaqo jaariya ah oo Adduun iyo Aakhiraba ku anfici doonta Insha allaah.

NB: Walaal haddii aad tahay Reer Bergen ama deegaanada ku xeeran Masjidka oo aad Medlem ka noqotaa waxay la mid tahay adiga oo ku yaboohay dhaqaale ee xusuusnow muhiimada masjidka uu u leeyahay ka mid noqoshadaada.

Waxaad ku soo hagaajin kartaa wixii Tabarucaad ah si masaajidka loogu dhiso Kontada hoos ku qoran:-

Kontonr: 3633 43 98239 Sparebanken Vest.

Wixii Faah-faahin intaas dheer kala xiriir Maamulka Masjid HUDA.

Sheekh Xuseen Xirsi Ciroobe: 94725932

Maxamed Cabdi Maxamuud: 48479363

Aadan Xasan Buulle: 93058998

Adresse: solheimsgaten 58

Magaalada Bergen ee Dalka Norwey.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA MASAAJIDKA.

0-02-05-0e9a692bf03520ccf1274be63144b73ef8bd1fea16bee39885af5ae92413988d_full

0-02-05-1b399ac79a754872caa575e17921ca572f919af629aecda58780094b150c9f2d_full

0-02-05-2f7258ce95ff728ef10783d75273cd6db9c76a434136861d0ea0c32b2594f1db_full

0-02-05-3b1855c291a3f72b43205afa91eff618186165b6860c918ddb425fff049391fe_full

0-02-05-3bfdae887cbee4d0cc406c4f501b958826795ba9cd1c213e95595e47fafee023_full

0-02-05-7bd817ddcaa2b1c9672be9967451f8d3d25534fb7e956b43aabc59c8e5a1edc4_full0-02-05-9f9da19e56d6a62341e08c6d0e2661f45a9ca3b8aa00ded4df29f4dc91aeea82_full

0-02-05-66d52ac2d356215901c8c59f505e5b7df5b7d422910f7fe40b2833d71501187d_full

0-02-05-226aac6e80a5def9a926a19b5f6d4a9535122dcde045ec61d8d8181eca3b2a13_full

0-02-05-646e97f2ad4be0bed9a62d28068eea3be08a1e3272982099d0c778ca306cc82b_full

0-02-05-660a50092979b8a046f860028b1d013e3eb130aebcc1d8ff9f058d7494e36491_full

0-02-05-2166d13cde5362aa08c2814867a074eef02fa56fed8e8847b3903305ab41e98d_full

0-02-05-065496ad50605dcad3acb6c930ca482109ef0529313ff434f3dfee0ff6ae5c4d_full

0-02-05-70007e50bfc07a2e810c6d8e03ccbc556ef292fb489df84d8ee56584294c92be_full

0-02-05-79966edf2e9ac528cb38fad059fe622f439f60ac8e71ac54f19bbb2e2cd643e9_full

0-02-05-94393da702ae8d36d364b9828433f029365ab147ea8849792ab4e71d570f0ee1_full

0-02-05-98580f532120df257e7d4995813f8c69a51d28e8ce54170ec3c17d9d3a00629f_full

0-02-05-c91854606330a37be3c2761edbf75c550f9a5cfbe5649efd4523abf90c27b613_full

0-02-05-d1f68f0144f7f27bc2b143cb93b1270734145e2bf1f87d76f5a69288d2f44c36_full

0-02-05-e7b14661ccc2fd45ff37cfe15dde5b4f5e217ce0d3d3f727e003ebf95b834c9c_full

 

Leave a Reply

WARARKII