DAAWO SAWIRO: Jaaliyada Soomaalida oo kullan wada tashi ku yeeshay Magaalada Bergen.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Bergen Caasimada labaad ee Dalka Norway ayaa maalintii shalay kullan ka yeesheen arrinka la xiriira dib u qiimeenta sharciyada qaxootiga Soomaaliyeed iyo dib ula laabashada sharciyadii ay heysteen qaar ka mid ah dadkaasi, ka gadaal markii dowladda Norway ay soo saartay go’aano ka dhan ah dadka magangalya doonka ah iyo kuwii horay u helay.

Kullankan oo ay ka soo qeyb galeen Haween, Dhalinyaro iyo Odayaal isla markaana uu soo agaasimay Guddoomayaha arrimaha bulshada Jaaliada Bergen Maxamed C/kariin Faarax (Maxamed Kismaayo) ayaa waxaa ugu horeen sharaxaad aad u dheer si wada jir ah uga bixiyeen xeerka Cusub ee dadka Sharciyada lagala laabtay iyo kuwa la doonayo in iyaguna lagala laabto Ustaad Cabdul Axmed iyo Cabdulaahi Cilmi (Cabdulaahi Dayax) oo labaduba ka mid ah Macalimiinta sida weyn loogu tiriyo inay arrimahani si aad ah ula socda.

Sidoo kale intii uu kulanka socday waxaa si qoto dheer Midnimada iyo wada jirka Ummada Soomaaliyeed uga hadlay Sheekh C/kariin Gadle, isagoo ku eedeeyey Jaaliyada Soomaalida inay koox koox u fadhiyaan isla markaana aanu jirin hal jaaliyad oo lagu wada mideesan yahay.

Wuxuu soo jeediyey Sheekh C/kariin Gadle in la sameeyo jaaliyad xoog leh la iskana ilaabo in qolo-qolo loo fariisto taasoo ku uu tilmaamay inay tahay mida sahashay dhibaatadan soo wajahday guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway.

Profeser C/raxmaan Cumar oo ka mid Barayaasha Jaamacada Magaalada Bergen ayaa sharaxaad ka bixiyey dadka saamaynta uu ku yeeshay dib u eegista sharciyada magangalyad iyo dib ugala noqoshada qeybaha ay u qeybsamaan.

Sidoo kale Prof: C/raxmaan Cumar wuxuu Jaaliyada u gudbiyey fariin uu kaga siday Xildhibaan Baashe Muuse oo ka mid ah Mudanayaasha golaha deegaanka Oslo fariintaasoo ahayd in 25 bishan aynu ku jirno guud ahaan magaalooyinka dalka Norway laga qaban doono Banaanbax ballaaran oo aan loo kala harin mudaaharaadkaa oo la doonayo in lagu muujiyo go’aanka dowladda inuu yahay mid ka dhan ah Ummadda Soomaaliyeed isla markaana xiligan aanu muuqan xasilooni buuxda oo ka jirta guud ahaan gayiga Soomaaliya.

Kullanka intuu socday waxaa la isla gartay inlaga wada qeyb geli doono Mudaaharaad kaasi ballaaran isla markaana waxaa la doortay saddex xubnood oo la filayo inay agaasimaan isla markaana soo diyaariyaan qorshaha Mudaaharaadka, isla markaana xubnahaasi waxay xiriiro la sameen doonaan Siyaasiyiinta Soomaalida ee ku kala sugan magaalooyinka waa weyn ee dalka Norway.

Xubnihii halkaasi lagu doortay waxay kala yihiin Prof: C/ramaan Cumar, C/risaaq Axmed iyo Ustaad Cabdul Axmed oo iyagu loo xilsaaray arrimaha la xiriira Mudaaharaadkaasi ballaaran ee la filayo inuu ka dhaco Magaalada Bergen 25-ka Bishan aynu ku jirno si la mid ah Magaalooyinka waa weyn oo ay ku badan yihiin Soomaalida ku nool dalka Norway.

Intuu uu kulanka socday waxaa halkaasi hadal kooban ka jeediyey mid ka mid ah Dhalinyarada magaalada oo sheegay in dib lagala laabtay sharcigii magangeliyada uu heystay, isagoo sabab uga dhigay arrinkaasi macluumaad uu tilmaamay in ay ka heleen boggiisa facebooka.

Wiilkan dhalinyarada magaalada ka mid ah oo diiday in aan magaciisa soo xigano ayaa sidoo kale Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norway si guud ugu baaqay in lagu dadaalo midnimada, isla markaana la is caawiyo intii buu yiri qofka ay arrimahani oo kale la soo darsaan halkii lagu cidleen lahaa.

Si kastaba ha ahaatee jaaliyada Soomaalida Bergen ayaa u muuqday kuwo u heelan midnimada maadaama ay ku baraarugeen is badalka siyaasadeed ee dalka, waxaana hubanti ah in wax waliba lagu gaari karo midnimo, is jecleesi guud iyadoo la iska ilaabo wax waliba oo keeni kara tafaraaruq iyo kala qeybsanaan taasoo ah tan halkan dhigtay Jaaliyada Soomaaliyeed.

15032508_1459271167433850_216501516_n

15032621_1459271090767191_1237196685_n

15049820_1459276907433276_654170967_n

15050125_1459271160767184_606133647_n

15050455_1459271050767195_914289529_n

20161112_180611

20161112_180615

20161112_180636

20161112_180645

20161112_180951

20161112_181114

20161112_181140

20161112_181154

20161112_181208

20161112_181219

20161112_181334

 

Leave a Reply