logo

SAWIRRO: ISIS oo fagaare ku dishay Lamaane..!

Maleeshiyaadka Daacish ee ka dagaalama qaar kamid ah Dalalka Carabta, ayaa waxa ay maanta meel fagaaro ah ku dileen Nin iyo naag dhalinyaro ahaa.

Ninkaani iyo Naagta ayaa waxaa lagu dilay Dhagax xili ay ku sugnaa magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, kadib markii lagu eedeeyay inay isu galmoodeen iyagoo aan is qabin.

Dilka ayaa ka dhacay fagaare dad badan lagusoo ururiyay oo ku yaala magaalada Mosul ee dalkaasi, oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka Daacish.

Mid ka mid ah ururkaasi ayaa akhriyay warqad ay ku qoran yihiin dambiga lagu eedeeyay labadaasi qof ee daacish ku eedaysay in ay sameeyeen galmo xaaraan ah, kadibna waxaa lala boobay dhagxaanta oo ay ku tuurayeen xubno ka mid ah ururkaasi.

Daacish ayaa hore u fulisay dilal baahsan oo ay ku fulisay dad ay ku tilmaantay in ay dambiyo galeen.





 

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply