logo

Culumada Somalia oo ka Xun Weerarki Gaarisa (Sawirro)

Hay’adda Culumada Soomaliyeed ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii dhowaan Al-Shabaab ay ku qaaday Jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya, halkaasoo lagu dilay ilaa 148 ruux u badnaa Arday.

Hay’adda Culumada oo maanta shir-jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in in dadka geystay weerarkaasi aysan diinta islaamka ka tarjumeyn, waxaana ay ugu baaqaday Madaxda Dalka Kenya in uusan weerarkaas saameyn ku yeelan dadka Soomaliyeed, gaar ahan Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya.

Kadib shirka Jaraa’id oo ay ka soo qayb galeen Xildhibaano iyo mas’uuliin ka socotay bulshada qeybaheed kala duwan ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed u qornaa sidan:-

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed iyadoo gudanaysa waajib caddeynta xaqa iyo difaaca diinta Iyo danaha ummada waxey kasoo saartay weerarkii foosha xumaa ee jaamacadda Gaarisa,

Bayaanka hoos ku xusan:

1-hay’adu waxey uTacsiyadeyneysaa Xukuumada, shacabka Kenya iyo dhamaan dadkii dhibka ka soo gaaray, Weerarkaas waxashnimo, waxeyna u rajeyneysaa dadka dhaawaca ah in dhamaantood caafimaad deg deg ah alle siiyo.

2-Hay’ada waxey caddeynaysaa in ficilkaas ka soo horjeedo diinta islaamka, akhlaaqda muslimiinta iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida.

3-Ujeedada ficilkaas waa colaad laga dhex abuurayo dadka wada degan, marka waa in laga digtoonaadaa in dabinkaas lagu dhaco , waana in la xoojiyaa wada noolaashaha iyo nabada.

4-ficiladaasi abtiris diimeed ama dadeed midna malahan, cidna uma turayaan, marka waa in leyska ilaaliyo ficiltanka iyo siyaasaduhu u sahlayo in ay gabaad helaan .

5-Hay’adu waxey u soo jeedineysaa hogaanka Siyaasada dalka Kenya in dhacdooyinkaas ay saameyn ku yeelanin qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan

6- Waxaan ugu baaqeynaa madaxda siyaasada , diinta iyo bulshada ee labada dal in la iska kaashado sidii loo xoojin lahaa nabada loona ilaalin lahaa danta guud.

hayada culimada (4)hayada culimada (3)hayada culimada (2)hayada culimada (1)

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply