Wargelin muhiim ah oo ku socda dhammaan Soomaalida dagan Magaalada Bergen.

0-02-05-3bfdae887cbee4d0cc406c4f501b958826795ba9cd1c213e95595e47fafee023_fullDhammaan walaalaha Ummadda Soomaaliyeed ee reer Bergen iyo Nawaaxigeeda waxaa loogu baaqayaa lana ogeysiinayaa inay ka soo qeyb galaan Xaflada furitaanka Masaajidka Cusub ee HUDA halkaasoo muxaadarooyin ay ka jeedin doonaan Culumaa’udiin kala duwan oo ka dhacaya Magaalada Bergen ee gobolka Hordaland.

Maalinta Axada ah Bishuna tahay 25/12/2016, waxaana mar labaad lagu adkeynayaa Odayaasha, Haweenka, Dhalinyaradda iyo Caruurta oo dhammaan ah kasoo qeyb galayaasha inay dhowraan waqtiga Xaflada iyo muxaadarayooyinka ay bilaaban doonaan.

Saacada marka ay tahay 12:00 PM ama sidaad u taqaan (6-saac duhurnimo), waxa uuna ku egyahay 17:30 (11-saac iyo bar fiidnimo) salaada ceshaha kadib, waxaana laguu diyaariyey Qadadii.

Maamulka Masaajidka HUDA oo xafladaan furitaanka masaajidka iyo muxaadarooyinka diiniga ah ee halkaa laga jeedin doono martigelyey, waxay mar labaad si naxariis leh u codsanayaan in waqtiga balanta la dhowro.

Haddaba Masaajidka HUDA waxa uu ku yaalaa Xaafada Danmark plass, gaar ahaan Ex Europris halkii horey u daganaan jiray, isla markaana wuxuu u dhaxeeyaa I train Danmarksplass iyo Coop Extra.

Adresse solheimsgaten 58.

Wixii Faah-faahin intaasi dheer kala xiriir Maamulka Masaajidka Taleefanada hoos ku qoran:-

94725932/48479363/95817389/93058998.

 

Leave a Reply

WARARKII