logo

Masaajidka AL-HUDA Magaalada Bergen oo si rasmi ah loo furay (Warbixin+Sawiro).

 

15696218_1904586406444148_1188595834_oIyadoo maanta ay ku beegan tahay 25/12/2016 ayaa Soomaalida ku nool Magaalada Bergen iyo nawaaxigeeda waxaa u suurtagashay inay xariga si rasmi ah kaga jaraan Masaajidka AL-HUDA oo in mudda ahi furitaankiisa soo jiitamayay.

Xafladaan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay  ayaa waxaa ka soo qeyb  galay guud ahaan qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hordalan, sida Culumaa’udiinka, Odaayasha, Haweenka, Caruurta iyo Dhalinyaradda.

Ugu horeyn waxaa halkaasi muxaadaro si weyn loogu riyaaqay ka jeediyey Sheekh Xuseen Azhari waxa uuna sheegay ahmiyada ay leedahay in masjid noocaan oo kale ah ay yeelato Soomaalida ku nool Magaalada Bergen Caasimada labaad ee dalka Norwey.

“Faa’iido weyn ayay inoo wada tahay iyo guul aan wadajir u gaarnay ALLE SWC ayaana kaga mahadcelinaynaa oo inoo suuratagaliyey in aan furno masaajidkaan si Caruurteena, Dhalinyaradeena iyo waliba Hooyooyinkeena uga faa’iideestaan barashada Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda” ayuu yiri Sheekh Xuseen Azhari oo ka mid ah Culumaa’udiinka ka hadlay  munaasabada daahfurka masaajidka AL-HUDA.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Sheekh C/kariin Gadle kaa oo si weyn ugu dheeraaday wax tarka ay leedahay Midnimadda iyo wadajirka, Sheekha ayaa dadka intooda badan ku booriyey inay gacmaha is qabsadaan isla markaana iska cafiyaan waxyaabihii dhaxdooda ka dhacay.

Sheekh Xuseen Ciroobe oo ka mid ah Guddiga Masaajidka oo dhankiisa qudbad xasaasi ah halkaasi ka jeediyey ayaa tibaaxay  in masaajidka uu u furan yahay qof kasta oo muslim ah gaar ahaan Soomaalida, wuxuuna carabka ku adkeeyey inuu muxaadaro ka jeedin karo waxna ka baran karo masjidka Aqoontiisana kaga faa’iideen karo walaalahiisa kale ee Soomaaliyeed.

“Waxaa jira dad warxumo tashiil ah oo burush xaar leh la wareegayo sidii ay qalqal u gelin lahaayeen furitaanka masjidkan cusub ee maanta ALLE jalawacaalaa noo suurtageliyey, waana nimco ALLAAH-na siiyey loona baahan yahay in aan kaga mahadcelino” ayuu hadalkiisa ku soo gaabiyey Sheekh Xuseen Ciroobe.

Bulaale oo ku hadlayay magaca Odayaasha Magaalada Bergen ayaa wuxuu sheegay in furitaanka masaajidka uu yahay guul u soo hoyatay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hordalan gaar ahaan Magaalada Bergen, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan siyaasadaha is diidan ee Soomaalida, una midoobaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen masjidkan cusub oo u baahan kaalmo aad u xoogan ayna muhim tahay ka wada qeyb qaadashada sadaqada jaariyada ah ee  u baahan yahay masjidkan dhawaan la yagleelay.

Sidoo kale Xubno ka mid ah maamulka masjidka ayaa sheegeen in geed dheer iyo mid gaaban u koreen sidii ay u furi lahaayeen masjidkaan, waxayna ALLE kaga mahadceliyeen dadaalkii weynaa ee ay u soo galeen inay mirihiisa maanta ay ku naaloonayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Maamulkan oo isugu jira gole Fulin iyo gole shuure ayaa waxa ay yihiin kuwa lagala tashan doono aayaha masjidkan cusub ee dhawaan laga hirgeliyey magaalada Bergen, waxa ayna sheegeen in masjidku uu u baahan yahay dhaqaale xoog leh si loogu dayactiro qeybaha ka harsan dhismaha masaajidka.

Aamino Shariif Maxamuud oo ka mid ahayd dadkii sida aadka ah uga qeyb qaatay furitaanka Masaajidka AL-HUDA ayaa dhankeeda sheegtay inay faa’iido u tahay Hooyooyinka, Caruurta iyo Dhalinyarada wadankan ku koray sidii aqoontooda diimeed kor loogu qaadi lahaa.

“Waa inoo farxad waana soo dhaweyneynaa furitaanka masjidka, waxaana hooyo waliba ugu baaqayaa inay caruurtooda keenaan masjidka maalmaha fasaxa uu jiro si ay u bartaan Cilmiga Diinta islaamka iyo ku dhaqankeeda”.

Ugu danbeyntii Axmed Ciise Cabdulaahi oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay xaflada ayaa inoo sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay furitaanka masjidka dareenkiisuna yahay mid aan la qiyaasi Karin maadaama Soomaalida Magaalada Bergen ay markii ugu horeysay yeelatay masjid gooni u ah.

Axmed Ciise Cabdulaahi ayaa ugu baaqay Soomaalida Bergen inay isku xirnaan muujiyaan, isla markaana ay sameestaan jaaliyad xoog leh si la isaga wada kaashado arrimaha horumarinta dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hordaland.

Sidoo kale wuxuu daboolka ka qaaday inay kala daadsanaan jirto, balse arrinka masaajidka looga wada qeyb qaato si midnimo ah, isl amarkaana laga fogaado arrimaha ay ka midka yihiin qabiil qabiilka, urur ururaysiga iyo firqooyinka macna darada ah aan waxba lagu gaarin, meel qura ahna looga soo wada jeesto masaajidkan oo sida uu tilmaamay mideynaya Ummadda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee furitaanka Masjidkan AL-HUDA ee maanta laga hirgeliyey magaalada Bergen ee gobolka Hordaland ayaa wuxuu ku soo aadayaa xili Soomaalida ku nool magaaladani ay baahi daran u qabeen helitaanka masjid daboola baahidooda guud.

15696218_1904586406444148_1188595834_o

15722721_1904587606444028_1646829531_n

15730884_1904587413110714_1506936227_n

15731102_1904586429777479_1672716683_n

15731144_1904586866444102_1971612906_n

p1020515

p1020518

p1020519

p1020526

p1020528

p1020532

p1020538

p1020546

p1020547

p1020553

p1020555

p1020556

p1020558

p1020561

p1020562

p1020570

p1020577

p1020588

p1020604

p1020609

p1020611

p1020612

p1020624

p1020615

p1020626

p1020619

p1020620

15666279_1904586216444167_2008594902_n

W/Diyaariyey:- Salaad Xuseen Maxamuud Daacad iyo Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

Email: salad.dacad@hotmail.com

Email: baastey10@gmail.com

Bergen-Norwey.

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply