FAALLO: Xildhibaane ha moodin Kitaabka oo aadan gacanta saarin in dhaartaadu aysan sax ahayn (Bile Baastey).

15841680_1153705481409462_1892959657_n Mar haddii dowladii jirtay waqtigeedu dhammaaday waxaa loolan loo galaa sidii ay ku imaan lahayd dowladd cusub, waxaana u tartama qaar ka mid ah xubnihii  dowladdii hore iyo ragg cusub oo dhammaantooda dhaqaale jeebka ku sita, waxayna mar waliba raadiyaan sidii ay ku wada heli lahaayeen xubinimada mas’uulka ugu sareeya dolwada cusub ee dhalanaysa.

Waxa ugu horeeya ee loolanka loo galaya ayaa ah xubnaha golaha shacabka, ruux waliba oo is leh waxaad isku soo saari kartaa jeebkaaga wuxuu cod ka raadsadaa beel waliba dadka ugu sareeya salaadiintooda iyo ugaasyadooda, markii ay la kulmaan salaadiintooda waxay dhaqaale ku bixiyaan sidii ay ku heli lahaayeen cod, helitaanka codka kadib waxaa dhisma gole baarlamaan kuwaasoo dhaqaale ku soo bixiyey sidii ay ku heli lahaayeen kuraasta ay iminka heestaan, waana meesha ugu horeysa ay ka dhismayso dowladda cusub ee la filanayo in dalka uu yeesho dhawaan.

Haddaba mudane kasta oo cod helay kana mid noqday golaha shacabka haddii ay ahaan lahaayeen gole sare iyo gole hooseba waxaa waajib ku ah inay wada maraan dhaarin, taasoo ka tarjumeysa in mudane waliba uu ku muujiyo daacadnimadiisa isagoo ku dhaaranaya magaca ALLE sidii ay shacabka si daacadnimo ahi ugu shaqeyn lahaayeen, shaqsi waliba oo ka mid ah mudanayaasha labada gole wuxuu hor-istaagayaa miis uu dusha sare ka saaran yahay Kitaabka Qur’aanka kariimka oo aan ogsoon nahay qof walba oo muslim ah marka uu gacanta qabto sharafta uu leeyahay awgeed uu la dhunkoonayo.

Xildhibaan waliba waxaa loo sheegaa inuu gacantiisa midig saaro isagoo weeso qaba kitaabka inta aan la dhaarin ka hor, waxayna dhaar ku marayaan magaca ALLE inay shacabkooda ugu adeegidoonaan si daacadnimo ah oo ay ku jirto danta Dalkooda, Dadkooda iyo Diintooduba aysan qiyaami doonin.

Si kastaba anigoo ah qoraha qormadani Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey) ujeedada Faaladdan waxaa jira Muuqaalo igu dhaliyey in aan ka hadlo waxna ka iraahdo kaasoo aan ula jeedo in Xildhibaanku haddii uu ku dhaarto magaca ALLE isagoo aan kitaabka gacantiisa midig saarin uusan u maleen inuu dhaartiisa waxba ahayn (In uusan dhaaranin).

15870903_1153704691409541_1853346549_n-1

15841680_1153705481409462_1892959657_n

Mudane Xildhibaane Xusuusnoow waxaad ku dhaaranayso waa magaca ALLE waxaad u dhaaranaysana waa shacabkaaga iyo dalkaaga oo xaalad aad u liidata maraya, dib ha u eegin dhaqaalihii kaa baxay ee laguugu soo doortay ha ahaadeen lacago adiga si shaqsiyadaada kaaga baxday iyo mid lagugu maalgashaday si codkaaga loo iibsado, waxaad fiirisaa oo kaliya kitaabka Qur’aanka Kariimka laguugu dhaariyey ee hortaada yaala oo ay ugu horeyso danta shacabkii aad matalaysay isla markaana aad u dhaaratay.

Waa maxay Mudane Xildhibaane Rabitaanka Shacabka…?.  Ugu horeen waa inay helaan hogaan cadaalada oo danahooda ka fakara cida dooranaysana  waa adiga ee codkiisa ugu shubaya hogaamiyaha cusub ee wadi doona 4-sano ee soo socota, haddii hogaamiyahaasi uu la yimaado arrimo ku saabsan musuqmaasuq, wax qabad la’aan iyo arrimo kale oo horseedi kara dib u dhac iyo fashil cidii la xisaabtami lahayd ee xilka ka tuuri lahaydna waa adiga….Ogsoonow Mudane xildhibaane in laba xisaabtan ay mar waliba ku daba soconto, tan RABBI iyo tan shacabkaaga.

Gunaanadka hadalkeyga mudane Xildhibaane ha noqon kuwii hore dibna u sax qaladaadkaaga kitaabkii aadan gacanta saarin haddana aad ku dhaaratay qalbigaaga geli in dhaartaas lagaa aqbalay oo xagga ALLE lagaala xisaabtami doono, warbixinta tan kuu xigta maxay kuu noqon doontaa mudane Xildhibaane….?. La soco qormooyin kale.

Qalinkii Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

Email: baastey11@hotmail.com

Bergen-Norwey.

Leave a Reply