logo

Somalia oo 7-toogasho ku xukuntay (Magacyo+Sawirro)

Toddobo ka mid ah Sirdoonka Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa maanta lagu xukumay xukuno kala duwan, ka dib markii ay ka soo hormuuqdeen Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Raggan, ayaa waxay Maxkamadda ka hor muujiyeen qiraal iyo cadeymo muujinaya inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay u gudbin jireen wararka qarsoon ee xogaha.

Maxkamadda, ayaa waxay raggasi ku xukuntay xabsiyo u dhaxeeya 5 ilaa 10 sano, waxayna xukunada ku dhameysan doonaan xabsiyada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Kaaliyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Dhexe Xasan C/raxmaan Aadan, ayaa wuxuu ku dhawaaqay xukunada kala duwan ee lagu riday ragga Shabaabnimada lagu helay.

Kaaliyaha oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu tilmaamay in dadka la xukumay ay racfaan ka qaadan karaan xukunada lagu riday, haddii aynaan ku qanacsanayn.

Ragga la xukumay, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa

Cabdi raxmaan Axmed Afrax

C/raxmaan Muqtaar Caamir

C/naasir Aadan Caynte

C/laahi Xersi Maxamed

Maxamed Xasan Cali

Maxamed Cabdi Yuusuf

Maxamed Deeq C/qaadir Fiidow












 

 

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply