Guddoomiyaha cusub ee degmada Hiliwaa oo xilka la wareegay, Waa kuma Cabdixakiin? SAWIRRO

Munaasabad uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha degmada Hiliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta lagu qabtay xarunta degmada, halkaasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir, xubno ka socday degmooyinka Gobolka, saraakiil ciidan iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee degmada Hiliwaa. Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa xubnii ka hadlay waxa ay ka sheekeeyeen xaaladda amiga iyo horumar ee ka jirta degmada. Guddoomiyihii Hore ee Dagmada Hiliwaa Mudane Maxamed Axmed Xaashi oo xilka Degmadaasi  wareejiyay ayaa waxa uu ugu baaqay Shacabka degmada in ay la shaqeeyan Guddoomiyaha Cusub, dhankiisa uu soo dhaweynayo guddoomiyaha cusub. Guddoomiyaha Cusub ee Degmada  Hiliwaa  Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle Axmed oo la wareegay Xilka Guddoomiyenimo ee Degmada  Hiliwaa ayaa sheegay in uu halkeeda kasii wadi doono hormarka Degmada, isagoo balan qaaday in uu la imaan doono wax qabad muuqda. “Waxaan aad ugu faraxsanahay sida diiran ee aad ii soo dhaweyseen, runtii waxaan idin balan qaadayaa in aan la imaan doono waxqabad muuqda, si aan halkeeda uga sii amba qaado dadaalka uu horey u sameeyay saaxiibkey Maxamed Axmed Xaashi, idinkuna waxaan idinka codsanayaa inaad gacan igu siisiin howlaha la ii igmaday” ayuu yiri […]
Source: radio muqdisho

Leave a Reply

WARARKII