logo

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Muqdisho “SAWIRRO”

  Talaado-January 10-01-2017—  Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibrahim Iidle Suleymaan oo  ay wehliyaan Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka  Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka  Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa  maanta booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo KM7 Ex Xaruntii hore ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Xabsigan ayaa ka kooban dhismo weyn oo leh qolol Maxaabiista lagu xiro, Goobo waxbarasho oo dadka Xabsiga lagu soo xiro lagu barayo Aqoon diini, maadi iyo Farsamada gacanta ,Guryo ay ku shaqeeyaan Garsoorka, meelo loogu talo galay in Maxaabiista ay ku qaataan nasiino iyo Madadaalo oo leh Goroomo kubadda noocyadeeda kala duwan lagu cayaaro  iyo baraago Dabaasha loogu talo galay, waxaana Xabsigan dhismihiisa qarashka ku baxaya bixinaya  Beesha Caalamka. Mas’uuliyiinta uu hogaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleyman  ayaa mid mid usoo maray qeybaha xabsiga uu ka kooban yahay, iyagoo xog wareystay Injineerada fulinaya Dhismaha Xabsiga. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, oo kormeerka dib Wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in Mashruuca dhismaha Xabsigan lasoo gabagabeyn doonno Bartamaha Sanadkan bilowga ah 2017,isagoo tilmaamay […]
Source: radio muqdisho

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply