Madaxweynaha Galmudug oo sharci darro ah ku tilmaamay shirkii ka dhacay Cadaado

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guleed oo si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho isaga iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, kaasi oo ay kaga hadlayeen kulan qaar ka mid ah Xildhibaannada Galmudug ay Cadaado ku yeesheen. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay sharci darro tahay in baarlamaanka oo fasax ku jira ay shaqsiyaad kulan gaar ah sameystaan, taasi oo uu ku tilmaamay inay dhaawaceyso dowladnimada curdunka ah ee ka hana qaaday Deegaannada Galmudug. “Baarlamaanka waa hay’ad ka mid ah hay’adaha dowlad goboleedka Galmudug, Baarlamaanka waxa uu leeyahay kalfadhi uu ku shaqeeyo, sida aan ognahay kalfadhiga wuu xiranyahay, 5tii bishaan ayuuna Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug soo saaray, muddo kordhin oo 45 cisho ah oo waqtiga loogu kordhinayo Xildhibaannada, mana jirin xarunta baarlamaanka oo furan, mana jirin guddoomiyaha shir uu ka warqabahay, sidaas darteed waxaan u arkaa waxa Cadaado ka dhacay inay tahay mid sharci darro ah, oo laga soo abaabulay meelo kale” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug, oo sheegay in sharciga uusan ka weyneyn, balse waxkasta ay ku haboontahay in sharciga loo maro. Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in waxyaabaha ay sameeyeen qaarka mid ah Xildhibaannada ay tahay mid foolxun oo ah in lagu qoslo, isla markaana ah mid […]
Source: radio muqdisho

Leave a Reply

WARARKII