logo

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo goor dhaw bilaabaneysa

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maant lagu wadaa in ay doortaan guddoomiyaha golahaas hogaamin lahaa afarta sano ee soo socota, iyadoo diyaar garow aad u balaaran uu ka socdo xarunta golaha shacabka. Xildhibaannada ayaa iminka ku sii qul qulaya xarunta hoolka shirarka ee Baarlamaanka, halkaasi oo ay ka socoto diyaar garow xoogan oo ku aadan doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka. Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u taagan afar musharax oo kal ah Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Cabdirashiid Maxamed Xiddig, , Cabdifitax Maxamed Geesey iyo  Idiris Cabdi Dhakhtar. Amniga magaalada Muqdisho ayaa si ah loo adkeeyay, waxaana ciidamada amniga ay ku suganyihiin waddooyin dhowr ah oo magaalada caasimadda Muqdisho ka mid ah.
Source: radio muqdisho

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply