Axmed Xuseen oo loo magacaabay Wasiirka Socdaalka ee dalka Canada

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa isku shaandheyn shalay uu ku sameeyay golahiisa Wasiirada ayaa waxa uu Wasiirka socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalkaas u magacaabay Xildhibaan Axmed Xuseen oo ah Soomaali heysta dhalashada dalka Canada. Axmed, ayaa noqday qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala baarlamaanka Canada sanadkii 2015-kii,waxa uuna markaasi kasoo galay baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto. Axmed Xuseen wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo jago wasiir ka qabta mid ka mid ah Dowladaha waaweyn ee caalamka. Prof Xuseen Warsame oo wax ka dhiga Jaamacadda Alberta ee dalka Canada ayaa laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA u sheegay in Axmed ay in muddo ah wada shaqeyn kala dhexeysay, uuna yahay shaqsi ka soo bixi kara howlaha loo igmaday.      
Source: radio muqdisho

Leave a Reply

WARARKII