logo

Daawo Sawirada Senator Abshir Bukhaari Oo Iskuul U Furay Barakacayaasha Cadaado.

Senator Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) ayaa  barakacayaal ku sugan galbeedka Cadaado u furey Iskuul ay caruurta wax ku bartaan.

In ka badan 200 oo ardey ayaa loo diwaangeliyay in ay wax ku dhigtaan Iskuulka Maandeeq Academy oo ka kooban 3 fasal, waa iskuulka keliya ee goobta Kaam-ka ku yaalla.

Mishaarka Macalimiinta oo  5 ah, ardeyda waxbarashooda, buugaagta iyo dhar intaba waxaa gacan ka geystay Senetor Abshir Bukhaari oo ah shaqsi laha soo doortay Degmada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Iskuulka Maandeeq Academy waxaa laga furay Kaamka Badbaado oo ku yaallo Galbeedka magaalada Cadaado, waxaana hal ku-dheg looga dhigey Soo Saaraha  “Hogaamiyeyashii berito .

Abshir Maxamed(Bukhaari) oo sidoo kale biyo geliyay goobta, waxaa uu caruur agoon ah u ballan-qaadey in uu guri u dhisi doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

October 20, 2016: Mar uu Booqasho ku tagey xerada, waxaa uu Bukhaari ballan-qaadey in xerada u dhiso dugsi qur’aan iyo Iskuul ay caruurta wax ku bartaan, tiiyoo uu maanta fuliyay.ku-1024x576 xarigjar yes-1 yes-2 yes-3 yes-4 yes-5 yes-6 abshir-1132x670 gjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjj-1024x576 hhhhhhhhhhhhhhhhh-1024x576


Source: goboladaradio

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply