logo

Max’ed Abokar oo loo heysto Hanjabaad uu ku qoray Twitter

Ciidamada amaanka dalka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay wiil Soomaali Mareykana ah oo lagu eedeeyay in uu u hanjabay Sargaal katirsan FBI-da Mareykanka, Wiilkan Soomaaliga ah ayaana fariinta hanjabaad aah soo dhigay bartiisa Twitterka.

Hey’addaha Dambi baarista Mareykanka ee magaalada Minneapolis dalka Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Abuukar Saciid, waxaana wiilkan ku eedeesan yahay in hadalo hanjabaad ah uu hawada u mariyay Sargaal katirsan FBI-da Mareykanka.

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa la sheegay in uu ka carooday xarig ay dhawaan laamaha dambi baarista dalka Mareykanka u geesteen lix Wiil oo Soomaali ah kuwaa oo la sheegay in ay wiilkan saaxiibo ahaayeen, waxaana loo heestaa lixdasai wiil in ay xariir la lahaayeen ururka Daacish ayna qorsheenayeen in ay ku biiraan.

Maxamed Abuukar Saciid ayaa sidoo kale ku eedeesan in uu u hanjabay uuna sawirkiisa soo dhigay Bogga Twitterka Wiil Soomaali ah oo ciidamada sirdoonka gacan ku siiyay qabashada lixdan wiil ee Soomaliga ah ee damacsanaa in au ku biirana Daacish.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa loo xiray in ay xariir la leeyihiin ama ay damacsanaayeen in ay ku biiraan dagaalyahanada Daacish iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply