logo

Al-Shabaab oo dishay nin u gafay Nabi Moh’ed (SCW)

Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay fagaare kuyaala degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose waxa ay ku toogteen nin ay ku eedeeyeen in uu caayay Nabi Muxamed (NNKH).

Boqolala qof oo katirsan dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa isugu soo baxay fagaare lagu tooganayay Maxamuud Mursal Muuse oo lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay ama uu caayay Nabi Muxamed (NNKH).

Markii ninkan la tooganayay ayaa la sheegay in dadkii fagaaraha ku sugnaa ay ku dhawaaqayeen takbiirta, waxaana fagaarahaasi sidoo kale ku sugnaa saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Waa xukunkii ugu horeeyya ay AL-Shabaab ku fuliyaan qof ay ku eedeeyeen in uu caayay Nabi Muxamed (NNKH), waxaana deegaanada AL-shabaab ka taliyaan ka dhaca xukuno dil ah ay fuliyaan dad gala dambiyo kala duwan.

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply