logo

Meydka Kenyan ka dhintay Al-Shabaab oo la faafiyay+Sawirro

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Meydka Sarkaal Kenyan oo aanay sheegin xilliga la dilay iyo halka uu ku dhintay, iyadoo muuqaalkan lagu arkayo Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka tacsiyadeynaya geerida Sarkaalkan magaciisa lagu sheegay Ramzi.

Muuqaalkan oo soconaya ilaa lix daqiiqo ayaa ugu horeyn la arkayaa, Sarkaalkan oo qori AK47 wata, isla markaana dhex lugeynaya meel xero ah oo ay ku sugan yihiin tiro ka mid ah dagaalyahanada Shabaab.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in Hogaamiyahan lagu magacaabo Ramzi uu u soo haajiray sidii uu Diinta u koryeeli lahaa, waxaana la arkayaa isagoo sujuudiisa dhukanaya.

“Hogaamiyaheena Ramzi wuxuu halkan u soo hijrooday sidii uu Diinta u kor-yeeli lahaa, shahaadadiisa Alle haka aqbalo”ayuu yiri Cali Dheere oo u tacsiyadeynaya dagaalyahanada Ajnabiga ah ee ka bar bar dagaalama Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa ka soo jeeda Gobolka Xeebta ee Kenya, gaar ahaan magaalada Mombasa, waxaana muuqaalkan lagu soo beegay, iyadoo Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka geysato gudaha Kenya.

Tiro badan oo dhalinyaro Kenyan ah ayaa ku biiray Al-Shabaab, si ay uga bar bar dagaalamaan, waxaana la sheegay inay aad u korortay tirada Kenyanka ee ku biiraya Shabaab.

sarkaal kenyan (3)sarkaal kenyan (2)sarkaal kenyan (1)

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply