Fariinta Mahad ma waxay noqon doontaa geesi garab Soomaali waaye mise mid hiil walaal hela!. Inqaastii Bile Baastey.

16709298_1639543779405357_28926071_o-324x235 Bioingeniør Mahad Abiib Maxamuud oo ah Soomaali ayaa sida aan wada ogsoon nahay waxaa la soo gudboonaaday dhibaatooyin xagga sharciga ee wadanka Norwey, isagoo wadanka ku sugnaa in ka badan 16-sanadood ayaa iminka waxaa ku yimid caqabad ah in sharcigii dhalashada Norwey lagala laabto.

Tan iyo markii dhibaatooyinka faraha badan ay ka dhaceen dalkeena Soomaaliya ayaa dad badan oo Soomaali ah waxay u soo hayaameen dalalka Qurbaha oo uu ka mid yahay dalka Norwey, dalkaasi oo ay ka heleen magangeliyo iyo Amaan waxa ayna taasi sababtay in Soomaali fara badan la siiyo sharciyo ay ku joogi karaan dalka Norwey, isla markaana shaqooyin iyo waxbarasho intuba ay ku heleen.

Waayadan dambe ayaa waxaa soo badanayay Soomaalida cadowga isku ah isla markaana bilaabeen inay is jaajuusaan iyaga dhexdooda kuwaasoo farta ku fiiqayay Soomaalida qaarkood, kuwaa oo isugu jira kuwo sharciga dhalashada dalka heysta iyo kuwa aanan heysan intuba.

Mahad Abiib ayaa waxaa lagu xusuustaa in wadankan uu yimid isagoo aad u da’yar, waxa uuna ka bilaabay waxbarashada Hoose, Dhexe, Sare ilaa heer Jaamacadeed isagoona gaaray inuu noqdo dhaqtar Bioingeniør.

Dhawaan markii uu dilaacay cudurka Ebolaha ee wadamada afrika la daalaadhacaya ayaa mid ka mid ah Haweenka dalka Norwey u dhalatay waxay safar ku tagtay mid ka mid ah wadamada Afrika waxa ayna halkaasi ka soo qaaday feyruska cudurka Ebolaha waxaana ku guuleestay inuu ka dabiibo Mahad Abiib oo ah Soomaaliga lagu heesto sharciga dhalashada dalka Norwey.

Mahad ayaa ahaa Soomaaligii ugu horeeyey ee cudurkaasi la falgala, isagoona daweeyey haweeney Norwegian ah oo la liidatay cudurka Ebolaha, wuxuuna ALLE ka sokow Mahad sabab u noqday inay caafimaado.

Haweeneydaas oo warbaahinta ka maqashay in Mahad sharciga wadanka lagu heysto ayaa cod dheer uga codsatay dowladda Norwey in mahad uu yahay dhaqtarka kaliya ee bad baadiyey nafteeda isla markaana uu mudan yahay in loo daayo sharcigiisa dowladdana ay ka laabato go’aankaas aan laga fiirsan.

Soomaali fara badan ayaa ku sugan dalka Norwey gaar ahaan Magaalooyinka Oslo, Bergen, Stavanger, Trondheim iyo guud ahaan gobolada dalka waxa ayna aad uga xun yihiin warkan ka soo yeeray dowladda ee aan la hubsan taasoo ay sharciga kala noqonayaan Bioingeniør Mahad Abiib Maxamuud.

Mahad oo si qiireesan uga hadlayay dhibaatada uu ku sugan yahay ayaa ka codsaday dhammaan Soomaalida iyo dadka Norwegian-ka inay u muujiyaan shucuurtooda isla markaana ay isugu soo baxaan Maxkamada horteeda si arrinkaan dib looga laabto.

Bioingeniør Mahad ayaa sheegay in maalinta kaliya ee Soomaalida garabka ween uga baahan yahay inay tahay 21/02/2017 kuna beegan Maalinta Talaadada oo ay inaga xigto Maalinta barito ah, isla markaana ay u shaqo daayaan hal maalin si ay u soo muujiyaan ka xumaashiyaha in sharciga dhalashada lagala laabto walaalkood Mahad Abiib, iyagoo ku qancinaya inay la garab taagan yihiin Soomaali kasta oo ay la soo gudboonaato dhibaatooyin noocaan oo kale ah ee dhanka sharciga la xiriira.

Tani waa mid mudan in la isaga kaalmeeyo iyadoo laga yaabo inay qof waliba oo Soomaali ahi ku timaado, sida dowladda Norwey ay sheegtay 1600 ayaa u liis gareesan inay dib u eegis ku sameen doonto sharciyadooda iyo deegaanada ay ka soo jeedaan, waana maanta oo kale maalinta ay Soomaalida u muujin karto inay isgarab taagan yihiin si looga guuleesto caqabadaha la xiriira sharciga, marka ay jirto isku xirnaan Soomaalinimo oo noocaani ah.

Mahad Abiib ayaa carabka ku adkeeyey inuu ku faraxsan yahay haddii uu garbihiisa ka arko Soomaali fara badan ee garab taagan isla markaana u muujinaya inay ka xun yihiin in Sharciga lagala laabto xitaa haddii ay dowladda kala laabato, isagoo ogaanaya inuu hiil walaal ka helay walaalaha Soomaaliyeed, balse dowladda ay ku gacan seertay.

Haddaba dhammaan Soomaalida ku nool dalka Norwey waxaa laga codsanayaa in walaalkood Bioingeniør Mahad Abiib Maxamuud ay ka caawiyaan isku soo baxa maalinta loo balansan yahay ayna iskugu yimaadaan afaafka hore ee Maxkamada 9:00AM Subaxnimo Samles utenfortinghuset, C.J.Hambrosplass4, 0164 Magaalada Oslo Halkaasi oo lagu qaadi doono dacwada loo heesto walaalkeen Mahad Abiib Maxamuud.

Ugu dambeen Bioingeniør Mahad Abiib ayaa sheegay in haddii uu waayo Hiil walaal balse dowladda ay dib uga laabato go’aankaas in Soomaalida ay yihiin dad aan isku gargaarin marka ay jiraan arrimo noocaan ah, taasoo ceeb ku ah guud ahaan Soomaalida dalka Norwey.

W/Diyaariyey: Bile Mohamed Abdi (Bile Baastey).

Leave a Reply