”José Sosa lacag badan buu huray si ugu soo biiro AC Milan” – Galliani

(Milano) 08 Maarso 2017 – Adriano Galliani ayaa daboolka ka rogey in Jose Sosa sida uu yiri “uu lacag badan ka tanaasuley si uu ugu soo biiro kooxda AC Milan”.

Laacibkan khadka dhexe ayaa  xagaagii tegey Rossoneri uga yimid dhanka Besiktas oo ay kasoo siisteen €7.5m, isagoo ka mid ahaa dhowr laacib oo ay soo qaateen. “Waan ku faraxsanahay Jose Sosa,” ayuu Galliani ku yiri Milan TV.

“In aan Jose ka fikiro waxyaabo badan baan ka dhihi karaa. Tusaale ahaan, waa wiil final-ka Champions League 3 sano kahor uga horjeedey [Carlo] Ancelotti oo watey Real Madrid. Waana laacib ciyaarihii Olombikada 2008 kula guulaystey Leo Messi.” ayuu yiri Galliani.

“Si ba’an buu u rabey kooxda Milan, dad badan baa shumin kara baajka kooxda, taasi way fududdahay, balse wiilkani lacag badan buu ka tanaasuley si uu Milan u yimaaddo.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM


Source: Ciyaaraha

Leave a Reply