logo

YAAB: Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale hal mar xitaa iskuma baasin kubbada kulankii xalay!!!!!

rr

(Naples) 08 Mar 2017. Real Madrid ayaa xalay xiratay booskeeda wareega sideed dhammaadka Champions League kaddib markii ay 3-1 ku martay Napoli laakiin waxaa yaab leh in intii ay ciyaartu socotay ay xitaa hal kubbad isku baasin Bale iyo Ronaldo.

Wadar ahaan, 7-jeer oo qura ayay kubbada isku baaseen dhaliyayaasha loo yaqaano BBC ee Banzema, Bale iyo Ronaldo, iyadoo uu Karim Benzema ku lug lahaa inta badan.

Tiro koob rasmi ah ay soo saartay UEFA ayaa sheegaya in xiddiga reer France uu 3-jeer kubbada u baasay Bale labo jeerna uu u baasay Ronaldo, halka uu Benzema labo jeer baas ka helay Bale iyo hal jeer oo Ronaldo ah.

http://real-france.fr/wp-content/uploads/2015/02/

10-ka baas ee kale uu sameeyay Benzema kulankii xalay wuxuu kala siiyay Luka Modric iyo Marcelo saddex jeer, Pepe, Sergio Ramos, Toni Kroos iyo Lucas Vazquez min hal jeer.

Ronaldo ayaa sameeyay 17-baas intii uu ku ciyaarayay Stadio San Paolo, 7-jeer wuxuu u baasay Kroos, 5-jeer Marcelo, saddex jeer Vazquez, hal jeer Casemiro iyo hal jeer Benzema.

Bale ayaa ahaa kan ugu baaska badan BBC oo wuxuu sameeyay 19-baas.

Marka lagu daro labadii jeer uu Benzema u baasay, wuxuu 6-jeer u baasay Carvajal, afar jeer Modric. Kroos iyo Casemiro min saddex jeer iyo hal jeer oo Pepe ah.

Gool FM.


Source: Ciyaaraha

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply