logo

WAR CUSUB: Arsene Wenger oo ciyaartoyda Arsenal u sheegay inuu ka tagayo kooxda

we

(London) 08 Mar 2017. Arsenal ayaa xalay markale guul daro 5-1 kala kulantay Bayern Munich xilli ay ku ciyaareysay gagadeeda Emirates waana sanadkii todobaad oo xiriir ah ay ku soo hareyso wareega 16-ka Champions League.

Arsene Wenger ayaa guul daradii xalay ku eedeeyay garsooraha ciyaarta iyadoo ay jirto in isku cel celis labada lug looga adkaaday 10-2.

Sida uu sheegayo warsidaha SNAI ee dalka Talyaaniga in Arsene Wenger uu ciyaartoydiisa u sheegay inuu ka tagayo kooxda ka hor guul daradii xalay ka soo gaartay kooxda reer Jarmal.

Arsene Wenger Arsenal

Saxafiga reer Talyaani ee Tancredi Palmeri ayaa shalay warbixintaan ku baahiyay bartiisa Twitter ka.

Waxaa la sheegayaa in tababaraha reer France uu ciyaartoydiisa uun u sheegay go’aankiisa inuu ka tagayo balse uusan kooxda u sheegin.

Macallinka Juventus Massimiliano Allegri ayaa ugu cad cad inuu xilka Gunners ka badelo Wenger haddii uu ka tago kooxda marka uu dhammaado qandaraaskiisa dhammaadka kal ciyaareedkan.

Gool FM.


Source: Ciyaaraha

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply