logo

Milkiilaha Napoli De Laurentiis “Wargeyska La Gazzetta dello Sport waa jaraa’idka Inter, Juventus iyo Milan”

C6YrkZgWUAAMjo8

(Napoli), 08 Maarso 2017  –Milkiilaha kooxda Kubadda Cagta Napoli ee Talyaaniga Aurelio De Laurentiis ayaa si kulul u cambaareeyay Saxaafadda Waqooyiga Talyaaniga kaddib guuldarradii 3-1 ee ay kooxdiisu kala kulantay Real Madrid isla markaana sababtay in ay ka haraan Koobka Horyaallada Yurub.

Laurentiis ayaa ku tilmaamay saxaafadda Waqooyiga Italia mid shaqsi ahaan u neceb isaga iyo naadigiisa Napoli.

De Laurentiis oo sidoo kale ah Soo saare weyn oo dhinaca Filimada Tlyaaniga ayaa mar uu la hadlayay Mediaset waxa uu yiri “Way neceb yihiin Napoli, waayo waxay u shaqeeyaan Waqooyiga, wargeyska La Gazzetta dello Sports-na waa Jaraa’idka Inter, Juventus iyo Milano”.

Dhinaca kale de Laurentiis ayaa waxa uu caddeeyay in uusan wax khilaaf ah ka dhexeyn isaga iyo tababaraha kooxdiisa Maurizio Sarri, isagoo xusay in warkaasi ay soo abaabuleen jaraa’idyada Waqooyiga Talyaaniga.

Napoli ayaa guuldarrada Real Madrid waxaa uga horreysay guuldarro kale oo 3-1 ay kala kulmeen Juventus lugtii hore ee Koobka Talyaaniga, taas oo uu Milkiilaha Napoli-na sheegay in ay ahayd eex fool xun oo laga eexday Napoli kaddib markii garsoorihii ciyaartaasi uu 2 gool ku laad (Penalties) siiyay Juventus.

Gool FM


Source: Ciyaaraha

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply