Kooxaha Bayern Munich, AC Milan, Fiorentina & Torino oo iskula dheggan laacibka soo baxaya ee Amin Harit

(Roma) 08 Maarso 2017 – Kooxda Torino ee dalkaasi Talyaaniga ayaa muddo isha ku haysey laacib lambarka buuxa ka dheela oo u safta kooxda Nantes ee dalkaasi Faransiiska.

Laacibkan oo lagu magacaabo Amine Harit, oo ah diyeeshe kubadda dhisi yaqaanna oo da’yar maaddaama uu dhashay 1997 ayaa kooxdiisa qandaraas kula jira tan iyo 2020.

Waxaa haddaba laacibkan haatan kula soo biiray kooxda Granata kooxaha kala ah Fiorentina, AC Milan iyo iyo xitaa kooxda Bayern Munich, iyadoo sida iminka ku qoran warsidaha Faransiiska ah e L’Equipe laacibkan lagu heli karo adduuun dhan 12 milyan oo euro, balse ay dhici karto in la isku felliso.

b

Gool FM


Source: Ciyaaraha

Leave a Reply