logo

MUUQAAL: Nike oo soo saartay dhar ay sheegtay inay ugu tala gashay gabdhaha Muslimiinta + Sawirro

(New York) 08 Maarso 2017 – Sharikadda agabka isboortiga farsamaysa ee dalkaasi Maraykanka ee Nike ayaa soo saartay naqshado cusub oo ay ugu tala gashay inay xirtaan gabdhaha Muslimka ah ee ciyaara.

Nike ayaa ku dhawaaqday dharka noocan cusub ah oo sita qamaar iyo surwaal dheere ay sheegeen inay ugu tala galeen inay gabdhuhu xirtaan iyagoo weli xeerinaya dhaqamadooda muxaafidka ah.

“Naqshaddan cusub ee Nike Pro Hijab waxay samaynteedu qaadatay sanad ku dhowaad, balse qorshaynteedu wayba kasii horreeysey, waxaana ugu wacan in boos la siiyo haweenka oo kusoo badanaya isboortiga,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Nike oo ay soo xigatey Al Carabiyah.

halkan ka daawo….
b
 b1

Gool FM


Source: Ciyaaraha

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply