logo

SAWIRO: Masjidka AL-HUDAA Magaalada Bergen oo lagu qabtay Muctamar Diini ah.

Waxaa maanta oo Axad ahayd lagu qabtay Masjidka AL-HUDAA ee Magaalada Bergen Muxaadaro Diini ah oo looga hadlayay arrimo ay ka mid ahaayeen Camalka Wanaagsan, Toosnaanta qofka Muslimka ah iyo u diyaar garoobida Bisha Fadliga iyo Qeyrka Baddan ee Ramadaan oo fooda inagu soo heysa, waxaana Muxaadarooyinkaas bixinayay Sheekh Xuseen Ciroobe, Sheekh C/kariin Gadle iyo Sheekh Xuseen Azhari  oo iyagu ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bergen ee Dalka Norwey.

Sheekh Xuseen Azhari waxa uu si cad uga hadlay Camalka Wanaagsan iyo sida Ummadda Muslimka ah ay ula imaan karaan Camal wanaagsan, isagoo ka digay in Camalka lagu soo koobo kan Adduunka oo kaliya, isagoo dadkii ka soo qeyb galay u bidhaamiyay ahmiyada ay leedahay la imaatinka Camalka Wanaagsan kan Adduun iyo waliba kan Aakhiro.

Muxaadarada Sheekhu waxaa sidoo kale ka mid ahaa ALLE ka cabsiga, wuxuuna ka soo qeyb galayaasha ku baraarujiyay in qof kasta lagula xisaabtamayo Xaalada uu ku dhinto iyo Camalka wanaagsan ee uu la yimaado sida ay faa’iido badan ugu yeelan doonto Maalinta Khiyaamo geerida dabadeed, wuxuuna sheegay in ALLAAH uu addoomadiisa uu dulmin balse ay iyagu naftooda dulmaan.

“Nabigeena Suuban (NNKH) wuxuu ummaddiisa u kala caddeeyey wadada toosan uu qofka ku mutaysanayo sidii janadda u geli lahaa iyo wadada qofka ku mutaysan karo inuu galo cadaabta” ayuu yiri Sheekh Xuseen Azhari, wuxuuna ku baraarujiyey dadkii ka soo qeyb galay oo shucuubtooda uu ka muuqday qiiro weyn in wadada lagu gaari karo helida janada inay tahay in lala yimaado Camalka wanaagsan.

Sheekh Xuseen Ciroobe oo ka mid ahaa Culumada Muxaadarada ka jeediyey muctamarkii koowaad ee lagu qabto Masjidka AL-HUDAA ayaa ka hadlay Muxaadaro hal ku dhigeedu ahaa Toosnaanta qofka Muslimka ah, isagoo tilmaamay  Faa’iidooyinka Toosnaanta wanaagsan ee qofka Islaamka.

“ALLAAH wuxuu abuuray dadka oo leh muuqaalo, midabo iyo afaf kala duwan, wuxuuna ka yeelay xagga miisaanka ILAAHAY kuwa siman aan qofna qof kale waxba dheereyn marka laga reebo iimaankiisa iyo ALLE ka cabsigiisa iyo toosnaantiisa, sida uu ALLAAH kor ahaaye qoraankiisa inoogu bidhaamiyey” ayuu yiri Sheekh Xuseen Ciroobe.

Sidoo kale Sheekh Xuseen Ciroobe wuxuu sheegay Toosnaanta wanaagsan xagga islaama faa’iidooyin badan inay u leedahay qof kastana looga baahan yahay inuu dadyowga kale kula dhaqmo dabeecad wanaagsan xitaa dadka aan Muslimka ahayn.

“ALLAAH wuxuu-na amray in aan dabeecad wanaagsan kula dhaqano dadka oo dhan, waayo cadaaladda iyo axsaan falka iyo naxariista waa toosnaanta Muslimka ee ka muuqda anshaxiisa iyo hadaladiisa xagga Muslimka iyo gaalkaba, wuxuuna ku dadaalaa inuu ahaado debci samadaas dowgiisa xagga ugu baaqa dadka aan Muslimka ahayn diintan weyn ee Nasteexadda ah”.

Dhanka kale iyadoo ay soo dhow dahay bilashada bisha qeyrka iyo fadliga badan ee Ramadaan ayaa Sheekh C/Kariin Gadle  dhankiisa ka hadlay Bisha Ramadaan iyo Sida looga faa’iideysan lahaa, qofka waxyaabaha looga baahan yahay Ramadaanta ka hor diyaar garowgeeda.

“Waxaa inagu soo aadan bishii barakaysan ee Ramadaan oo waqti aan dheereen ay ka laaban tahay, sidaa daraadeed ayay munaasab u tahay in aan isku baraarujino bisha Barakeysan iyo sidii aan u qaabili lahayn ama Ramadaan ka hor maxaa loo baahan yahay u diyaar garowgeeda, Ramadaanku waa munaasabad runtii aad u weyn waana bil barakeysan oo ILAAHAY TABAARAKA WATACAALAA uu qeyraad iyo nimco aad u fara badan uu dhex dhigay, waxaa la dhihi karaa waa jaanis, waa jaaniskii nolosha maadaama ay sidaas tahay, haddii qofka uu ka faa’iideysto qeyr aad u fara badan ayuu ka helayaa, haddii uu dayaco oo uu iska dhaliilsado oo jaaniskaas si fudud ku marana xaqiiqadii qasaaro ayuu la dheelmanayaa” ayuu yiri Sheekh C/kariin Gadle.

Sheekh C/kariin Gadle oo ku dheeraaday ka hadalka Ramadaanka iyo u diyaargarowga wuxuuna Soomaalida faray inay ku dadaalaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen bisha Ramadaan ee Fadliga badan, taasoo ajar iyo kheyr badan laga helaayo.

Ugu danbeyntii waxaa Muctamarkii kheyrka badnaa ee ka dhacay Masjidka AL-HUDAA Xaafadda Danmark Plass oo ahaa kii ugu horeeyey tan iyo markii la furay Masjidkaasi lagu qabto uu ku ku soo idlaaday si wanaagsan, halkaas oo laga jeediyay ducooyin loo ducaynayo guud ahaan Muslimiinta  gaar ahaan Soomaalida abaarta iyo colaadu ku habsatay ee ku nool gudaha dalka iyo kuwa kale ee Caalamka ku nool.

W/Diyaariyey: Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply