logo

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay dardargelinta fulinta qorshaha 90ka maalmood, Imtixaanada Dugsiyada sare iyo arrimo kale

Muqdisho, 18 May 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, dardargelinta Qorshaha 90ka maalmood, Imtixaanada Dugisyada Sare, Shirka London, bilicda caasimada iyo arrimo kale. Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga oo sheegay in la bilaabay dhaqangelinta go’aanadii ay horey golaha wasiirada u gaareen ee Qorshaha Amniga Muqdisho oo ciidankii isku-dhafka ahaa la xareeyey, tababrna u socdo dhowaana bilaabi doonaan howlgalka sugida amniga. Sidoo kale in maamulka G/Benadir uu bilaabay amarkii inaan baabuurta la dhiganin wadada Makka Al-Mukarama. Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha amniga ay ku guuleysteen inay labo baabuur oo qarax siday laga hortagey, ayna socdaan dadaalo lagu baacsanayo kooxaha falalka amni-daro ka dhexfuliya bulshada dhexdooda. Wasiirka Dhallinyarada ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan xuskii maalinta dhalinyarada iyo aasaaska SYL ee 15ka May, waxeyna sheegtay in xafladu si heer sare ah u dhacday, tanoo dhiirigelin weyn u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiirada ayaa u mahadcelisey dhammaan intii suurtogelisay in xafladu u dhacdo sidii loogu talogalay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada diyaarinta sharciyada muhiimka u ah dowlad wanaaga […]
Source: radiomuqdisho

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply