logo

Tuulooyin hoostaga degmada Wanlaweyn oo deeq raashin ah la gaarsiiyay

Goobta Raashinka lagu qeybinayay waxaa ku sugnaa Guddoomiyha Gobolka Shabeellaha Hoose  iyo Ku xigeenadiisa amniga iyo Maaliyadda, Maamulka degmada iyo saraakisha Cidanka, waxaana  Deeqda Raashinka oo Ka Koobned Bur baris Sokor Caano iyo Dawo Loo qeybiyay  400 (afar boqol) oo qoys  danyar ah oo kunool Deeganka Sharee oo Hoostaga Degmada Wanlaweyn. Dadka Raashinka loo qeybiyay ayaa ka mahadceliyay Deqda ay soo gaarsiyen Guddiga Gurmad Qaran ee abaraha Iyo maamulka gobolka sh.hose Agaasimaha Waaxda smafalka Wasaaradda Arrimaha gudaha Mukhtar ayaa shegay in deeqdan ay ka timid Guddiga Qaran ee abaraha. Guddoomiyaha Degmada Wanlweyn Maxamed Siidow ayaa sheegay in deeqda la gaarsiyay dadkii Loogu talaglay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa shegay In qeybinta rashinka ay diirada saari doonaan tuuloyinka, Madama Degmoyinka horay loo gaarsiyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Sidoo Kale kormeer ku sameyay Waddada xiririsa Afgooye iyo Wanlaweyn waxa uuna sheegay In weli waddadaas ay yaalan Isbaaroyin lacago looga qaado Gaadiidka. Maxamed Cali Cumar (Jubba)
Source: radiomuqdisho

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply