logo

Maxakamadda Ciidamada oo xukun dil ah fulisay dhagarqabe ka tirsanaa Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Nin ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo gaari uu waday ku Qarxay Sanadkii Hore Suuqa Beerta ee Degmada Waabari. C/qaadir Cabdi Xasaan oo ka tirsanaa Maleeshiayada Al-Shabaab ayaa saaka ugu danbeyn lagu toogtay magaalada Muqdisho ka dib markii Maxakmadda ciidammada ay xukun dil ah ku riday. Gaariga Ninkaan uu waday ee ku qarxay Degmada Waabari Sanadkii Hore ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo30-Ruux oo ay ku jireen Ganacsatada Suuqa.
Source: radiomuqdisho

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply