logo

Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee wasaaradda haweenka

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 July 2017 Daahfuray dhismaha cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee maamulkaasi oo Garoowe laga hirgeliyey dhismaheeda. Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey daahfurka xurintani cusub Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dawlad goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, saraakiil ka socdey hay’adaha UN-HABITAT iyo UNDP, urrurka haweenka Puntland iyo qaar ka mida bulshada rayidka ah ee magaaladda Garoowe. Madaxweynaha  Puntland oo ka hadlay munaasibadda daahfurka dhismahani cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qayska ee maamulka Puntland ayaa sheegay in dhimahan cusubi uu yahay kii  ugu tayadda wanaagsanaa uguna nashqadaynta wanaagsanaa intii la hirgelinayey Wasaaraddo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey cidkasta oo gacan ka geysatey hirgelinta xaruntani oo ay ugu horeeyaan hawl wadeennadda Wasaaraddu. ‘’ Dhismayaan badan oo dawladdeed ayaa intaanu joogney fureyney ha ahaadeen kuwo aanu gacan ku lahayn iyo kuwo aanu buldhig ka ahaynba eh,  laakiin runtii maanta waxaanu halkan ku aragnay majirto ilaa hadda kuwo soo socda waa dhici kartaaye in isbedel dhabi uu jiro, waxaa ka muuqda dedaalka galay, waxaa ka muuqda hufnaanta lagu dhisay’’  ayuu yidhi Dr. C/weli […]
Source: radiomuqdisho

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply