logo

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Gaalkacayo Kaga Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 July 2017 magaalada Gaalkacayo kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey  Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan  oo horaantii bishan ku geeriyoodey dalkaasi Sweden. Aaska qaran ee loo sameeyey marxuun Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan  ayaa waxaa Madaxweunha Dawladda Puntland kala qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, guddomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Puntland, Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, qaar kamida Isimadda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan magaalada Gaalkacayo. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ku hadlaya afka goloyaasha Dawladda Puntland iyo kan shacabka Puntland ayaa uga tacsiyey ummaada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland, eheladii, qaraabadii asxaabtii iyo caruurtii uu ka geeriyoodey marxuunku, waxaana Madaxweynuhu uu sidoo kale uga tacsiyey geerida marxuunka dhammaan isimada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. ” Waxaan rabaa anigoo ku hadlaya Magacayga kan Dawladda  iyo kan shacabka Puntland-ba halkani inaan uga diro tacsi ummaada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland geeridaas kutimi Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan, illaahay ha’u naxariistee wuxuu ahaa shakhsi qiime weyn ugu fadhiya Soomaaliya, usoo shaqeeyey, wax badan usoo taray ayuu ahaa, inagana waajibka inaga saaran waxay tahay  inaan […]
Source: radiomuqdisho

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply