logo

UNSOM oo u dabaaldegaysa xuska Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhallinyarada

Muqdisho, 15 Luulyo 2017 – Iyadoo adduunka oo dhan laga xusayo Maalinta Xirfadaha Dhallinyarada, Ergeyga Gaarka ah ee Xoqhayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa mar kale xaqiijiyay muhimadda ay leedahay in tababar farsamo iyo xirfado farsamo loo fidiyo dadka da’da yar ee Soomaaliya.   “Shaqo la’aanta haysata dhallinyarada aad bay u sarreysa,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Heerka waxbarasho oo hooseeya iyo fursadaha lagu helo xirfado farsamo iyo tababar farsamo oo kooban ayaa ah dhibaato dhab ah oo saameyn aad u xun leh “.   Sida lagu sheegay qiyaasihii ugu dambeeyay ee uu sameeyay Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), Soomaaliya waxaa ka jirta mid ka mid ah shaqo la’aanta ugu sarreysa adduunka, oo boqolkiiba 33 ee dhallinyaradeeda ayaa shaqo haysta.   “Sababaha keena shaqo la’aanta dhallinyarada waxaa ka mdi ah farqiga u dhexeeya xirfadaha ay dhallinyarada ragga iyo haweenka ahi leeyihiin iyo kuwa ay dalbanayaan kuwa shaqada haya ama loo baahanyahay si loogu shaqeysto,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Kala duwanaanshahan wuxuu saameyn ku yeelanayaa dhaqaalaha, wuxuuna carqaladeynayaa kalaguurka loogu gudnayo Soomaaliya oo simanyahay, nabad ah, barwaaqo ah, oo loo wada dhanyahay. Ilaha dhaqaaluhu way koobanyihiin, sidaa darteed, tartanku waa mid aad u weyn, laakiin waxaa cad […]
Source: radiomuqdisho

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply