logo

Daawo Sawirada Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqday Goobo Muhiim ah oo ka tirsan Jubbaland

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JF.S Mudane Xasan Cali Khayre oo weheliyaan xubnaha Golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn oo dhaca waqooyiga magaalada kismaayo, halkaas oo isaga darsamaan Wabiga Jubba iyo Badweynta India, waxana uu R’aiisul Wasaaruhu la kulmay qeybaha bulshada ee ku dhaqan deegaanka Goobweyn. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tagey Jaamacadda Kismayo oo xarun u ah Ciidanka Isku dhafan ee Dawladda, waxana uu kula dar-daarmay Ra’iisul Wasaaruhu in laga shaqeeyo danta guud, ciidankuna ay u diyaar garoobaan sido deeganada ay maamulaan shabaab looga xoreyn lahaa.
Source: radiomuqdisho

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply