logo

Deeq Lacageed Oo La Gaarsiiyay Dugsi Ay Wax Ku Bartaa Ardayda Qaba Baahiyahay Gaarka

Qaar ka mid ah jaalliyahada Soomaalida ee ku nool boqortooyada Ingiriiska ayaa deeq lacag ah oo ay kasoo uruuriyeen dugsiyada waxbarashada ee ku yaalla dalkaasi soo gaarsiyay dugisga Hoose Dhexe iyo Sare Dhagooleyaasha ee Sonad School For Deaf  oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir. Binti Abuukar Maxamuud oo Jaaliyaddu u soo wakiilatay in deeqdaan lacageed ay soo gaarsiiso dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Dhagooleyaasha ayaa sheegtay in tani ay tahay dhiirigalin iyo taageero ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ugu talagashay in ay ku garab istaagaan Araday dhagooleyaasha oo baahi weyn u qabay in la caawiyo. “Waxaan dareemikaraa dhagoolka iyo baahiyaha ay u baahanyihiin, arrintaan waxaa  isoo wakiishay Gabadheyda yare e Samiiro Ducaale oo iyaduba ah gabar dhagaha l’a, waxayna kasoo kala uruurisay Iskuullo ku yaalla dalka Ingiriiska, ilaahay caafimaad wanaagsan ha siiyo” ayay tiri Hooyo Binti Abuukar Marwo Binti oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in aysan jirin hay’ad ama dowlad illaa hadda dhabarka u ritay daryeelka caruurtaan Dhagooleyaasha ah, dhammaan dadka Soomaaliyeedna ay waajib ka saarantahay in ay garab istaagaan walidiinta aan awoodin waxbarista caruurta baahiyaha gaarka ah qaba. Cismaan Maxamed Nuur oo ah xubnin katirsan maamulka iskuulka dhagooleyaasha islamarkaana ah qof dhagaha l’a ayaa ka […]
Source: radiomuqdisho

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply