logo

Mashaqadii 14-ka October oo la mid noqotay dhacdadii Jabaan (Bile Baastey).

Adduunkaan aynu ku nool nahay waxa uu soo maray marxalado dagaal oo kala duwan, hase ahaatee qaarkood waxa ay reebeen magacyo aan hareyn sida dagaaladii koowaad, dagaalkii labaad iyo dagaalkii saddexaad ee Adduunka, saameenta colaadahaasi ay reebeen waxaa ka mid ah, Nugliyeerkii lagu dhuftay dalka Jabaan oo ilaa iyo hadda dadka reer Jabaan xusuustooda aan ka go’ayn.

14/October Sanadda 2017 Soomaalida waxa ay u noqotay maalin Murugo leh…..Maalin Mugdi ah….Maalin hal mar uu dhiigoodu qubtay in ka badan 655-Qofood….Waa Xusuus ma hadho ah….. waana maalin guri kasta Soomaali ay ku nool yihiin dal iyo dibad ay hal mar wada ilmeeyeen, kadib markii gaari xamuul oo laga soo buuxiyey suntan Kiimikooyinka iyo waxyaabaha qarxa kaasi oo lagu qarxiyey halka halbowlaha u ah ama meesha ay badi maraan dadka ku nool magaalada Muqdisho ee isgoyska Zoobe, qaraxaas oo galaafsaday nafsada dad shacab kor u dhaafaya 300-ruux, sidoo kale waxa uu dhaawac u geystay tiro intaasi ka badan oo qaarkood ay liitaan.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed waxa ay noqdeen sida shacabka dalka Jabaan oo kale, waa xusuus ma hadho ah xasuuqii Muqdisho ee 14-ka October/2017, kaasi oo qoys walba oo Magaalada ku nool uu qof kaga dhintay ama kaga dhaawacmay, halka qaarna ay meydadka dadkii kaga dhintay ay ku la’yihiin ilaa iyo hadda.

Qaraxii 14-ka October/2017 Muxuu kaga duwan yahay qaraxyadii hore uga dhici jiray magaalada Muqdisho…?.

1:- Waa qaraxii ugu xoogaanaa oo ka dhaca Soomaaliya abid.

2:- Waa qarax saameentiisa uu hareeyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

3:- Waxa uu mideeyey quluubta Ummadda Soomaaliyeed oo dhan marka laga reebo qolyaha mucaaradka.

4:- Qaraxyadii hore uga dhici jiray magaalada Muqdisho wuxuu kaga duwan yahay sheegashada ururka Al-shabaab oo qaraxyo marka ay magaalada ka fuliyaan hore ay ka sheegtaan, balse ilaa iyo hadda ay ka aamusan yihiin.

5:- Madaxda dowladda, Mukhtaar Roobow Cali Abuumansuur oo hore uga tirsanaan jiray Al-shabaab, Maamul goboleedyada Soomaaliya, Culumaa’udiin, Ururada Dhalinyarada, Aqoonyahano iyo Dowladdaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa si isku mid ah dhammaantood ugu soo gurmaday dadka ay waxyeelada ka soo gaartay mashaqadii 14-ka October/2017, waxayna isugu dareen dhiig shubid, hanti, gar-gaar daawooyin iyadoo qaar ka mid ah dhaawacyada halista ah loo qaaday dibadaha si halista dhaawacyadooda wax looga qabto.

6:- Al-shabaab dhexdooda waxa uu ka dhex dhaliyey khilaaf xoogan oo u muuqata mid ay ku kala tagaan ama ugu yaraan ay laba garab u kala jabaan.

Haddaba soo nalama gudboona sida adduunka oo dhan uga wada dhiidhiyeen si loo hakiyo hubka Nukliyeerka ee sida daran wax u gumaada in Soomaalida oo dhan hal meel uga soo wada jeestaan meelaha laga soo abaabulo qaraxyada laga fuliyo magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya isla markaana ay garab ku siiyaan dowladooda si mar dambe falalkaasi wuxuushnimo uusan uga dhicin dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii xasuuqaan xanuunka badan Shacabka Soomaaliyeed dareen aad u xoog leh ayay ka muujiyeen, waxaana dalka gudahiisa laga dhigay isku soo baxyo ballaaran, halka dalka dibadiisa laga sameeyey baroordiiq, sidoo kale waxaa loo damiyey Nalalka Taalooyin caan ka ah dunida sida Taalada Paris, Buundada ugu dheer Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, Taaladda Caanka ah ee dalka Jarmalka iyo meelo kale, taasoo loo sameeyey dhibanayaashii Muqdisho.

WD: Bile Mohamed Abdi (Bile Baastey).

Email: baastey11@hotmail.com

Email: baastey10@gmail.com

 

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply