logo

Dayacmooyee miyeysan mudneyn daryeel Qaran!!! (BY: Bile Baastey).

In kastoo aysan ahayn wax la fiirsan karo waxa heysta Faa’isa Wadani oo muddo ka tirsanayd ciidamada qaranka taasoo uu dhaawac ka soo gaaray qeybaha hoose ee jirkeeda xili ay gudanaysay waajibaadkeeda qaran, haddana maysan helin daryeelkii caafimaad ay ku taamaysay waxaana iska daba wareeg la geliyey balan qaadkii caafimaad ee la doonayay in loo sameeyo taasoo maalinba maalinta kale loo amaahinayo iyadiina ay ku sugan tahay xaalad ah ha dhiman oo hanoolaan.

Mudadii ugu dambeysay waxa ay ku sugnayd magaalada Neyroobi ee dalka Kenya iyadoo halkaas ku sugeysay balan qaadkii ay u suubiyeen qaar ka tirsan madaxda dalka oo ay ugu horeeyaan sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale hase’yeeshee dhammaan balanqaadyadaasi ay noqdeen waxka kama jiraan.

Muuqaaladii ugu dambeeyey ee ay habeenimadii xalay ilaa maanta soo duubtay ayay ku sheegtay in balan qaadyadii madaxda dowladda ay ku noqdeen “La mood noqonse wayday”, waxaa kale oo ay sii raacisay caafimaadkeeda oo liita darteed inaysan awoodi kareyn inay hadasho.

“Shalay waxaa ka cabanayay oo dalkii la iiga soo dhoofiyey waxay ahayd xanuun dhanka qaarka hoose jirka oo dareenkii gabay….Haddii aan cuuryaan aan labada lugood lahayn ahaan lahaa waa aan samri lahaa, in kastoo qadarta rabbi ee haddaba i heysata aan ku samirsanahay, ALLAAH-na ugu shugrinaayo xaalad kasta, laakiin rajo iyo hami fog oo aan lahaa ayaa la ii soo qaaday si dalka Jarmalka oo la ii sheegay in xaaladeyda wax looga qaban karo la i gaarsiiyo….haddase dhib kale oo kii hore ka sii xanuun badan baa igu yimid….Kaadi heysta oo waqti dheer Kateetar iiga xiran ayaa Infection qaaday waxayna taas sababtay BURO inay iiga soo baxdo…ilaa ugu danbeyn kaadideyda ay madoobaato…jirkeygana is badalo, taasna waxaa ii sii dheer in aan mararka qaar miir daboolmo xanuunka daran oo i haaya awgiis” ayay si murugo iyo uurkutaalo xambaarsan u tiri Faa’iiso Wadani oo ku dayacan magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.

Faa’iso Wadani waxay u baahan tahay hiil qaran aan ku dhisnayn caadifad iyo laab la kac, nasiib darro se wali ma aysan helin cidii wax ka tiri lahayd baahiyaha heysta ee caafimaad darada ku keentay, mana aysan helin cidii ka soo doogsiin lahayd nabaro hore u gaaay, inay ku sii siyaadaan mooyaane.

Wixii hore fursadaha caafimaad keeda kor loogu qaadi lahaa loo dayacay wali waa ay taagan yihiin, waxa kaliya oo ay u baahan tahay dadajin iyo waxqabad dhab ah oo ka timaada madaxda dowladda oo Faa’iso Wadani ay eersan doonto haddii ay u geeriyooto ama rajada yar ee ay ka leedahay inay cagaheeda dib ugu istaagto meesha ay ka baxdo.

Ugu danbeyntii Mudane Madaxweyne, Mudane Ra’iisul Wasaare, Mudane Guddoomiye Baarlamaan Faa’iso Wadani Dayacmooyee miyeysan idinka mudneyn daryeel Qaran…!!!? Mise maalintay daryeel xumada qaranka ay ka tabanayso u geeriyootaa Aas-Qaran ugu abaal guddi doontaan…..Ogaadase maanta ayay mudan tahay inay hesho Hiilo Qaran oo dhab ah.

Si kastaba anigoo ah qoraha qormadan Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey) waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in gabadhaan walaasheen ah oo caawimaada idinkaga baahan in aad caawisaan.

W/D: Wariye Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply