DAAWO Sida uu u dhacay Xukunka lagu riday Raga Qaraxyada ku laayay Shacabka Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay xukun ku riday Afar nin oo eedeysanayaal ah, kuwaasi oo ku eedeysan dambiyo kala duwan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan raggan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Shuute cidii aan ku qanacsaneyn xukunka ay riday Maxkamadda in ay u furan tahay iney racfaan ka qaadato.

Ragga la xukumay ayaa waxa ay kala yihiin:-

C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.

Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah.

C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

The post DAAWO Sida uu u dhacay Xukunka lagu riday Raga Qaraxyada ku laayay Shacabka Muqdisho appeared first on Warqaad.com.


Source: Warqaad

Leave a Reply