AKHRISO: Sababtii ka dambeysay Mooshinkii Fashilmay ee ka dhanka ahaa DF

Xilli Mucaarad kooban oo ay dowladda federaalka ah leedahay uu jiro ayaa waxaa hormuud mucaaradkaas u ah shakhsiyaad isugu jira siyaasiyiin fashilmay iyo Ganacsanto, kuwaas oo ku faraxsan dhibaatada dadka iyo dalka soomaaliyeed ay wajahayaan.

Xubnaha ugu waweyn ee mucaradka ah dabadana ka riixaya mooshinkii fashilmay ee ay dhawaanahan karkarinayeen ayaa u badan Xisbiyada Damujadiid iyo Daljir waxaana ka dagaalamayaan 17 shirkadood oo ay lacagta ummada Somaliyeed ku dhici jireen oo shaqadii laga joojiyay.

Shirkadahaani oo ahaa kuwa qabta adeegyo kala duwan oo ay dowladu bixiso ayaa waxaay si sharciga ka baxsan ugu saxiixay Dowladii hore waxana dhaman shirkadahaan hada la wareegay Wasaarada maaliyada ee dowlada Somalia .

Shirkadahani ayaa kala ah.

1,Shirkadda Fiisooyinka dalka looga baxayo soo saarta.
2, Shirkadda Sameynta Basaboorada Ruqsadda u haysata
3, Shirkadda Shatiyada Baabuurka iyo taargooyinka
4, Shirkadda tirismataaraha
5, Shirkadda Gaadiidka Airportka Maamusha
6, Shirkadda Sameysa Shahaadooyinka
7, Shirkadda Nootaayooyinka iyo Sabarloogooyinka hagaajisa
8, Shirkadda Koontaroosha Tayada waxa dalka soo galaya
9, Shirkadda PGM ka ee Dekadda Muqdisho
10, Shirkadda Scanka Dekadda Muqdisho
11, Shirkadda Shatiyada kala duwan
12, Shirkadda Sameysa Dhalashada iyo kaararka Aqoonsiga
13, Shirkadda Canshuuraha Guryaha
14, Shirkadda Shidaalka siisa Gaadiidka ciidanka
15, Shirkadda Raashinka iyo Cuntada siisa Booliiska
16, Shirkadda Shidaalka Siisa Gobolka Banaadir.

Wararki ugu danbeyay ee naga soo garaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa waxay tibaxayaan in xubnihii dabada ka waday moshinkii fashilmay ee Dowlada ka dhanka ahaa ay hada bilaabeen gorgortan ah in loo fasaxo shirkadihii ay ka heli jireen dhaqaalaha badan balse taasi Dowlada Somalia ay ka biyo diiday sida wararku sheegayaan.

The post AKHRISO: Sababtii ka dambeysay Mooshinkii Fashilmay ee ka dhanka ahaa DF appeared first on Warqaad.com.


Source: Warqaad

Leave a Reply