Mareykanka oo Soomaaliya ka taageerayo Dagaalka Al Shabaab

Washington ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in taageero wax ku ool ah ay siisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamul Goboleedyada Dalka iyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa xusay in u jeedka taageeradooda ay tahay sidii Soomaaliya ay u heli lahayd deganaansho iyo amni oo dhameystiran.

Sidoo kale Mareykanka ayaa xusay in howlgalkooda Soomaaliya uu ka caawiyay Ciidamada Dowladda tababaro iyo waliba qalab, si sare loogu qaado tayada Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

Sarkaal ka tirsan howlgalka AFRICOM ayaa sheegay in ay taageero joogta ah siiyaan Ciidamada ka socda Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti.

Waxaana uu intaasi ku daray in Ciidamada ka jooga Mareykanka Soomaaliya oo tiro ahaan gaaraya 500 oo Askari ay Ciidamada Dowladda la sameeyeen howlgallo gaar ah oo lagu bartilmaameed saday fariisimo Al Shabaab ay ku lahaayeen Koonfurta Soomaaliya.

Mareykanka ayaa qiray in duqeymo Diyaaradeed ay ka fuliyeen Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihin dagaalyahannada Al Shabaab iyo Daacish, waxaana uu xusay in uu sii wadayo taageerada uu siiyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

The post Mareykanka oo Soomaaliya ka taageerayo Dagaalka Al Shabaab appeared first on Shabelle.


Source: radio shaballe

Leave a Reply