War Deg Deg ah:- Munaasabad lagu dhameystirayo Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna oo ka socota Vila Somalia

Muqdisho–KNN– Munaasabad lagu dhameystirayo Heshiiskii Maalmo ka hor Dalka Jabuuti ay ku kala Saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa Goor Dhow ka Bilaabatay Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana ka qeyb galaya Madax kala duwan .

Madaxda ka qeyb galeysa waxaa ka mida Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Goobjoog ka noqon doona Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna.

Waxaa sidoo kale Goobta ku sugan Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna iyo sidoo kale Xildhibaanada Labada Golle ee laga soo doortay Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha Allah


Source: radio kulmiye

Leave a Reply