Aqoonyahan Soomaaliyeed oo u sharaxan abaalmarin ay bixiso majalad ka soo baxda dalka Norway.

Aqoonyahan C/laahi Cilmi Ibraahim (CC), kana mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway gaar ahaan Magaalada Bergen ee gobolka Hordaland, ayaa ku guuleystay inuu ka mid noqdo seddexda ruux ee u sharaxan abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan Doodyahanka sanadka (Årets debattant) ee ay bixiso Majaladda Bergens Tidende oo ka soo baxa Magaaladaasi.

Aqoonyahan C/laahi Cilmi Ibraahim (CC) ayaa heerkaan sare inuu soo gaaro ku muteystay dadaalka dhinaca doodaha cilmiyeysan ee sanadkii tagay 2017 uu ku soo bandhigay Majalada BT, isagoo si gaar ahaaneed diirada u saaray doodaha ku saabsan dadka soo galootiga, Muslimiinta iyo waliba isagoo si gaar ahaaneed uga hadlay arrimaha Soomaalida oo muddooyinkii ugu dambeeyey caqbado kala duwan la kulmayay.

Majalada BT, ayaa ku dhawaaqday inuu ka mid noqday Aqoonyahan C/laahi Cilmi Ibraahim (CC) shaqsiyaadka tirada yar ee isugu soo haray abaalmarinta sanadlaha ah, iyagoo u soo xushay aragtida saliimka ah isla markaana sida hufnaanta ku jirto waqtiyo kala duwan u soo bandhigay aragtiyo wax ku ool ah.

Qeybaha kala duwan Soomaalida ku nool Magaalada Bergen iyo magaalooyinka kale ee dalka Norway ayaa si aad ah u soo dhaweeyey heerkan uu soo gaaray C/laahi (CC), iyagoo u rajeeyey inuu noqdo shaqsiga ku guuleysan doona bilada sanadlaha doodyahanka sanadka ee Majalada BT, abaalmarintaas oo lagu dhawaaqi doono shaqsiga ku guuleysta 11/01/2018 oo ku beegan maalinta khamiista.

Dhinaca kale aqoonyahan C/laahi Cilmi Ibraahim (CC) ayaa bartiisa Facebooka ugu mahadceliyey qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed iyo asxaabtiisa kale ee aan Soomaalida ahayn sida ay ugu muujiyeen dareenkooda farxadeed.

“Si aad iyo aad ah ayaa idinkaga mahadcelinayaa hambalyooyinka kala gedisan ee sida qaaliga ah aad iigu soo gudbiseen….laakiin waxaan idiin sheegayaa in aan wali guuleysan…cida guuleysan doonta waxaan ogaan doonaa 11/01/2018 oo ku beegan maalinta Khamiista ee fooda inagu soo heysa” ayuu ku sheegay bartiisa Facebooka.

Ugu danbeyntii heerkan uu soo gaaray aqoonyahan C/laahi Cilmi Ibraahim (CC) ayaa ah, talaabo ku dayasho mudan iyadoo la rajaynayo inuu noqdo shaqsiga ku guuleysta biladaasi.

W/Diyaariyey: Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey)

Bergen-Norway.

Leave a Reply