Golaha iskaashiga oo ka hadlay Daahitaanka buuxinta kuraasta ka banaan Golaha Shacabka

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa ka hadlay buuxinta Kuraasta banaan ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Somaliya.

War Saxaafadeed maanta ay soo saareen Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa lagu muujiya walaaca ay ka qabaan daahitaanka ku yimid waqtigey eheyd in la soo dhameystiro Kuraasta ay ka dhinteen Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa ay baneeyeen masuuliyiinta Dowladda.

Golaha ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan hanaanka dowladda ay dooneyso iney ku buuxiso kuraasta banaan oo ay sheegeen in mudo Lix Bilood ah ay banaanyihiin kuraasta iyo go’aanka Maxkamada sare ay mar kale dib ugu sii dhigtay waqtiga la qaban lahaa doorashada lagu buuxinayo Kuraasta banaan.

Waxa ay ugu baaqeen Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iney eegaan baahida ay uqabaan beelaha qaar maqnaanshaha matalaada ay ku lahaayeen Baarlamaankan 10-aad.

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ku mideysan Madaxweynayaasha Maamulada; Puntland, Jubaland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.


Source: dayniile

Leave a Reply