Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS oo ku dagaalamay Dharkenley

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Iska hor imaad xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda ayaa maanta ka dhacay Degmada Dharkenley ee G/ Banaadir.

Dagaalkan ayaa ka dhashay, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ee isku dayeen in Lacago baad ah ay ka qaadaan dadka shacabka ah ee ku nool Xaafadda Kaawa Godey ee Degmadaasi Dharkenley.

Waxaana la sheegay in tallaabadaasi ay ka hor yimaadeen Maamulka iyo Ciidamada ammaanka ee degmadaasi.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in khasaaro uu ka dhashay iska hor imaadkaasi, kaasi oo u badan dhaawac.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.


 

The post Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS oo ku dagaalamay Dharkenley appeared first on Shabelle.


Source: radio shaballe

Leave a Reply