Tiro Hoobiyeyaal Ah Oo Ku Dhacay Nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro Madaafiic ah oo Duhurnimadii maanta ku dhacay Agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 2 Hoobiye ayaa ku soo dhacay Xaafado ku dhow Xarunta Madaxtooyada, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.

Waxaana la sheegay in Madaafiicdaasi aysan geysan wax khasaaro ah, balse ay cabasi xoogan ku beertay dadka deegaanka.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

 

The post Tiro Hoobiyeyaal Ah Oo Ku Dhacay Nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada appeared first on Shabelle.


Source: radio shaballe

Leave a Reply