Aqoonyahan Soomaaliyeed oo bilad-sharafeed qaali ah lagu guddoonsiiyay dalka Norway.

Aqoonyahan C/laahi Cilmi Ibraahim (CC) oo ah aqoonyahan Somaaliyeed oo muddo badan dagan dalka Norway gaar ahaan Magaalada Bergen ayaa waxaa uu maanta gelinkii dambe ku guuleystay Bilad-sharafeed qaali ah oo sanadkiiba mar la bixiyo, iyadoo biladaasi oo ay bixisay Wargeyska Bergens Tidende (BT) Årets BT debattant, waxaana la tartamayay laba qofood kale, hase yeeshee markii dambe gacanta loo galiyey biladaasi C/laahi Cilmi Ibraahim (CC) oo loo caleemo saaray inuu yahay shaqsiga ugu wanaagsan doodyahanka sanadka.

Biladaan maanta la guddoonsiiyey C/laahi Cilmi Ibraahim (CC) waxa ay ku timid ka gadaal markii uu si weyn ugu dhex muuqday doodo cilmiyeysan iyo Faalooyin kala duwan oo uu ku soo bandhigay Wargeyska BT, wuxuuna diirada aad u saaray arrimaha Soomaalida iyo waliba dadka kale ee Muslimiinta ku nool dalka Norway.

C/laahi Cilmi Ibraahim (CC) oo abaalmarintaan caalamiga ah lagu guddoonsiiyey Magaalada Bergen ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in la siiyo abaalmarintaan caalamiga ah, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay guul u soo hoyatay Soomaalida isagoona intaasi ku daray in uu sii laba laabi doono howsha uu hayo.

“Maanta maalin weyn ayay aniga iyo qoyskeyguba inoo tahay in aan ku guuleysay Bilad-sharafeedka BT, ugu horeyn waxaan u mahadcelinayaa Xaaskeyga Qaaliga ah Qadiija iyo Caruurteyda oo dhammaantood ii muujiyeen garab istaag iyo guubaabin aad u xoogan…heerkana iyaga ayaa ALLE SWC kadib kaga mahadcelinayaa….sidoo kale waxaa u mahadcelinayaa asxaabteyda iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan dalka Norway, si gaar ahaaneed reer Bergen” ayuu yiri C/laahi Cilmi Ibraahim (CC).

Abaalmarintaasi ka sokow C/laahi Cilmi Ibraahim (CC) waxa uu xusay in arrintaani ay albaabada u furi karto qofkii doonaya inuu bulshada wax ku soo kordhiyo, isla markaana fikirka saliimka ah oo bulshada lala wadaago ay keeni karto ka hortagida waxyaalaha ay tabanayaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway.

W/Diyaariyey: Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey)

Bergen-Norway.

Leave a Reply