XARAASHKA WASIIR ISLOOW…!! (W.Q: BILE BAASTEY).

Waxaa arrin aan la xaqiri karin ah oo daah inaga saarneen in Magaalada Xamar ay sidii hore soo dhaamayso waana mid aan la dafiri karin in ay waxoogaa sii yaraanayaan, taas macnaheeduna waxa ay ka dhigan tahay ma jiro amni buuxa oo waxaa dhacaaya Qaraxyo gaysta dhimasho bulsho, burbur hantiyadeed, dilal qorsheysan oo lala bartilmaameedsado haldoorka Soomaaliyeed, Wariyayaasha iyo waliba weeraro abaabulan, waxayna taasi calaamad cad ay u tahay Nabad daridda Xamar.

Dowladda Soomaaliya Xamar si guud ugama wada taliso awooddeedana ma aysan wada gaarin guud ahaan xaafadaha kala duwan ee degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan Yaaqshiid, Kaaraan, Jamhuuriya, Deyniile iyo duleedyada magaalada, awoodii ciidan ee Al-shabaab ee Magaalada Xamar wali waa ay muuqataa oo waa ay joogtaa hubkii cuslaa oo ay magaalada kala baxeen iyo fariisimihii ciidan oo ay baneeyeen mooyaane Xamar waa ay joogaan.

Mas’uuliyiinta kala duwan ee Dowladda, Xildhibaanadda labada aqal iyo shaqaalaha hoose midkoodna kaligii ma tagi karo isagoo wax ciidan ah aan wadanin meelaha bulshadu ay ku badan yihiin, kamana dukaameesan karaan suuqyada, iskaba dhaafe adiga oo ku magacaaban Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale awood Umma lihid kumana dhiiran kartid, waxaadna ku kooban tahay nawaaxiga Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo ay ku garab yaacayaan oo aad dhexda kaga jirtaa ciidamo aad u hubeysan, Askarta AMISOM, xitaa gaadiidka nooca xabadaha Karin oo aad isticmaasho kuma kalsooni qabtid, taasna macnaheedu waa Xamar nabad kama jirto.

Sidoo kale maalin cad ayaa weeraro madaafiic ah lagu qaadaa xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo ah halka looga arrimiyo dowladda Soomaaliya, waxaa ugu dambeeyey tiro laba jeer ah oo sanadkan cusub gudahiisa weeraro Hoobiyayaal ah lagu asqeeyey Madaxtooyada, waxaa midaasi sii dheer in xiliyada habeenkii xaafado gaar ah oo ay ka mid yihiin Towfiiq, Suuqa Xoolaha, Gubta iyo xaafado kale oo Xamar ka mid ah inay ku dagaalamaan Ciidamo ka tirsan dowladda iyo Al-shabaab, Wariyihii dhacdadaas iyo kuwo ka badan soo tabiyana la dilaayo ama xabsi dheer uu gelayo, shaqsigii dilayna amaba xiray hadba shaati loo gelinaayo lana soo qabaneen….Xusuusnow Xamar Nabad kama jirto.

Mudane Islow dilalka dhacay mudada aad ku magacaaban tahay wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa kor u dhaafaysa dhimashada in ka badan 500-qofood, haddii aysan ka badneynba iyadoo tiro ka badan 600-qofna dhaawacmeen, waxaana ku jira dilal loo geystay odayaal dhaqameedyo wax ka soo xulay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin dowladdeed, Suxufiyiin iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana ka mid ah xasuuqii Maatida lagu rusheeyey ee Bariire, sidoo kale meelaha sida daran loogu dhammaaday waxaa ka mid ah qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo kii xigay ee Hotel Naasa-Hablood 2 oo aad milkiyad ahaan adigu leedahay, xitaa waxaa awoodi waysay in aad amaanka goobtaada ganacsi ee gaarka kuu ah sugato iskaba daaye amaanka guud ee dalka Soomaaliya, taasna fasiraadeedu waa Xamar nabad buuxda oo la isku halayn karo kama jirto.

Ma aanu sheegin Mudane Wasiir haddii aad nabada Xamar u taqaan inta u dhaxeysa Madaxtooyada Villa Somalia, nawaaxiga wadada maka Al-mukarama ilaa xaafadaha degmada Wadajir…..Ogoow intaasi waxaa ka howlgala ciidamada dowladda, waana goobaha ay dowladdu ku xoogan tahay waayo goobahaasi waxaa si gaar ah looga ilaaliyaa Xarunta Madaxtooyada ee Dowladda laga maamulo, inta kale ee ka soo hartay nabad laguma sheegi karo, inta xaalka Xamar sidaasi yahayna nabad buuxda ma ahan.

Inta wadooyinka magaalada Xamar shacabka looga xiraayo mas’uul hebel ayaa dalka imaanaya ama madaxda dalka ugu sareysa ayaa dalka ka ambabaxaya amaba soo gelaya oo aysan madaxda iyo shaqaalaha kale ee dowladda ku dhiiran karin inay si nabad geliyo ah ku maraan wadooyinka Xamar, Xusuusnow Xamar weli nabad buuxda kama jirto, dafiicnimo iyo gef aad ka gashay shacabka Soomaaliyeed ayayna kugu tahay in aad hotel ku yaal dal aan Soomaaliya ahayn hoostiis intaa shilimaad aad ku xaraashanee qaxooti Soomaaliyeed ku qaadatid in aad xalaaleesid dib u celintooda.

Taas waxaa sii dheer Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha golaha Shacabka, kan Aqalka sare iyo xubno kale oo u badan Wasiiradda Xukuumadda dhammaantood waxay ku hoos jiraan gaadiid aan xabaduhu Karin qaarkoodna kalsooni buuxda oo la isku haleyn karo kumaba qabaan Ciidamada dowladda, waayo ciidamada laf ahaantooda ayay ka buuxaan Al-shabaab iyo kuwo u adeega hay’addo mucaamaraad ah oo dalka ku sugan, waana qeyb ka mid ah cadeymaha in weli Xamar Nabad ahayn.

Beelaha dega Xamar oo qaarkood dagaal abaabulaya, waayo waxaa taagan khilaaf siyaasadeed aad u xoogan oo u dhaxeeya madaxda dowladda iyo mas’uuliyiin dowladda xilal ka haya, kuwo horay xilal u soo qabtay iyo siyaasiyiin kale waxaana waqti kasta Xamar laga filan karaa arrimo saamayn ku yeelan kara amniga shacabka oo dhinacyo badan kaga imaan kara, rajada laga leeyahay in xal siyaasadeed iyo mid amni laga gaarana waa mid aad u yar, inta taasi ay jirtana lama dhihi karo Xamar ayaa nabad ah.

Madaxda dowladda oo aad adiga wasaaradda Amniga qaabilsan ka mid tahay oo lagaaga fadhiyey in aad amniga xaqiijiso, Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Baarlamaanka labada aqal, Suxufiyiinta iyo bulshada rayidkuba dhammaantiin dareen cabsi ayaad ku joogtaan magaalada Xamar….Ogoow inta taasi ay jirto in Xamar aan lagu sifeen karin meel ay ka jirto nabad buuxda, dad qaxooti ah oo magangeliyo nabadeed iyo mid nololeedba soo raadsadayna waqti dib loogu celiyo lama joogo, mana ahan in aad ummad dhibaatooyinkaas kor ku xusan ka soo haajiray in aad ka shaqeysato dabintii dib loogu celin lahaa.

Ma ahan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway oo markii hore dhibaato aan daahsooneen iyo faquuqid ay ku heysay wasiiradda Arrimaha Qaxootiga Sylvi Listhaug la dhibaatoonayay in aad walwal geliso, waxaase hadda adiga aad u muuqataa mashaqo hor leh oo dig soo tiri.

Gabaannimadu waa garasho xumo, waana taloguracan oo meel ka dhac weyn iyo guuldaro aan laga soo waaqsan Karin horseeda, talo kasta oo garasho xumo keenta waa mid lagu hungoobo, waxaa sidaa kuu leeyahay in aan ku xusuusiyo gobonimada Wasiiradda dowladdaha Kenya, Itoobiya iyo Suudaan oo dhammaantood ku gacanseyray damaca waalan ee Sylvi Listhaug ee ka dhanka ah dadka soo galootiga oo ay Soomaalida qeybta ka yihiin.

Wixii lagaa filaayey oo amniga dalka ugu horeeyo, ka hadlida danaha Ummadda Soomaaliyeed ama xitaa ugu yaraan in aad u damqatid dhibaatooyinka ay la nool yihiin iyo waxa aad noqotay aad ayay u kala duwan yihiin, waxaa hubaal ah in dadweynuhu kaala noqdeen kalsoonidii, jaceylkii iyo taageeradii ay kuu hayeen, haddii waxtar xumaddii amniga Xamar kuu sii wehlisana in aad xaraashato Qaxooti Soomaaliyeed waaba ka sii daran….waana hubaal in aad marayso wado ay horay ugu hungoobeen xubnno dulaaliin uu ka mid ahaa Gen: Gaafow.

Kullanka shakiga badan dhaliyey ee wasiirku ku soo dhigay bartiisa facebook lagana qariyey warbaahinta caalamiga ah iyo mida maxaliga ah ee Soomaaliyeed, ayaa muujinaysa in arrin ka baxsan wasaaradiisa uu faraha la galay wasiir Islow oo ku magacaaban Wasaaradda Amniga ayaa ka faa’iideystay isku shaandheen dhawaan qaar ka mid ah golahiisa wasiirada ku sameeyey Ra’iisul Wasaare Kheyre, taas oo is badal ku keentay in wasaarada arrimaha dibada ay hakad gasho howlaheedii shaqo fursadna u arkay Islow inuu kaga faa’iideysto arrintaan si uu uga helo waxoogaa dhaqaale ah maadaama uu ka mid ahaa Qaxooti in muddo ah ku sugnaa dalka Sweden, halkaasoo ka soo galay golaha Wasiiradda.

Isaga oo og dhibaatada amni ee ka jirta wadanka iyo fashilka ka heysta wasaaradiisa Arrimaha Amniga ayaa waxa uu fiirsaday waxoogaa dhaqaale ah oo uu ka helo Wasiirka Arrimaha Qaxootiga Norway oo si ballaaran ugu ololeyneyso inay dib u celiso Soomaalida Norway oo qaxooti ku ah wadankaan, iyadoo dooneysa inay ka hesho saxiix mid ka mid ah wasaaradaha Amaanka, Gaashaandhiga, Arrimaha Dibadda isla markaana uga xaqiijido hay’adaha qaabilsan xuquuqda aadahana iyo qaxootiga in wadanka Soomaaliya uu amaan yahay laguna laaban karo sida ay u xaqiijinayaan wasaaradaha ku shaqada leh.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in wasiir Islow xilkiisa ku wayn karo amaandarida soo wajahday wasaaradiisa iyo fashilka ka heysta shaqada uu ku magacaaban yahay taasi ayaa waxa ay soo dadajineysaa in mar dhow xilka laga qaadi doono sababo badan oo soo wajahay darteed.

Hay’adaha qaabilsan xuquuqda Aadanaha Xaqootiga ee wadanka Norway ayaa durbadiiba ka muujiyey walaac aad u xoogan kulamada qarsoodiga ah ee ka dhacay Magaalada Neyroobi, taasi oo ay doonayaan in dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida, arrimahaasi oo hadda suuragal ahayn sida Amaanka, Dhaqaalaha iyo Daruufaha nololeed ee ka jira Dalka Soomaaliya.

W/D: Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

Email: baastey10@gmail.com

Email: baastey11@hotmail.com

 

 

 

Leave a Reply