MIDNIMO AYAA MIRO DHASHA!.

Marka aad taariikhda caalamka dib milicsato guul kasta oo la gaaro waa mid ku timaada midnimo iyo fikir wada jira…haddii ay ahaan lahaayeen Dowladdaha waa-weyn oo qoowmiyadahoodu ay saameeyeen Midnimo iyo afkaar isku mid ah iyo haddii ay noqoto carwo laga ganacsado oo kooxda, shaqa wadaaga ahi yihiin dad isku xiran oo isku fikir ah, si iskumid ahna ula shaqaynaya madaxdooda.

Haddaba iyada oo taasi ay jirto ayaa waxaa kugu filan dhibaatada dalkeena soo gaartey in ay ahayd mid ku timid Midnimadii oo luntay iyo kala daadsanaan iyo qabyaalad soo kala dhexgashay dadkeenii Soomaaliyeed, arrimahaas oo sabab u noqday in dhulkeenii aan ka soo cararno oo qaybo badan oo dadkeenii ah ay wadamo kala duwan oo Caalamka ah ku yihiin Jaaliyado, lagaba yaabee ayaga oo isku wadan jooga in ayna isku xirnaanin oo fikirka ku kala tagaan.

Haddaba ayada oo la tixgalinayo qiimaha ay Midnimadu leedahay ayaa waxaan soo jeedinayaa in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Norway ay mid noqdaan, islamarkaana ay la shaqeeyaan guddiga inoo dhisaya Jaaliyada Soomaaliyeed ee ina wada mideyn lahayd iyo waliba go’aanada ay soo saaraan.

…..Ogoowna midnimo la’aanta waxaan ku waayeenaa xaquuq badan oo aan ku leenahay dowladdan aan ku hoos noolnahay, marka la fiiriyo Qowmiyadaha ku nool dalkan, waxaa jaaliyada ugu badan ee 1-aad ah Pakistaaniyiinta, bal arka horumarka dhan walba leh ee ay ka gaareen dalkan iyaga oo waliba door muuqda ka galay Siyaasada dalkan….waxa keenay waa Midnimada iyo fikirka isku midka ah ee kala danbaynta leh.

Sidaa daraadeed maxaa inoo diidey inaga Soomaalida ah oo ku jirna kaalinta 2-aad ee Jaaliyadaha dalkan in aan ku lahaan weyno door muuqda oo lagu qanci karo…ma aha su’aal u baahan in aad ku mashquusho waa iska cadahay waa Tafaraaruqa iyo qaska inaga dhex jira.

Haddaba maxaa la gudboon qof kasta oo wax garad ah kana mid ah Jaaliyadda..?.  waxaa la gudboon in aan toosino kuweena qaloocan, inaan sameyno Tashiyo badan oo lagu xoojinayo Midnimada iyo la Shaqaynta Jaaliyadda si aan daaha uga qaadno Xaquuqo badan oo aan isleeyahay waxa ay kulumi jireen Tafaraaruqiina..Soomaaliyeey haddii aan dalkeenii ognahay…waxa uu la dhismi waayey maanta oo rajo weyn laga qabeyna Mooshin iyo kala aragti ay hareysey…miyeyna ahayn meel aan joognaba in aan raadino siddii aan isku fikir u noqono, danteenuna ahaato Horumarkeena.

War ogaada Midnimo ayaa Miro dhasha…kali kali iyo tafaraaruqna waxba qaban mayo ee aan manta u wada istaagno wax wada qabsi gaar ahaan Jaaliyadda Norway Midnimo aan ilaalino.

W.Q: Bile Mohamed (Bile Baastey).

Bergen-Norway.

Leave a Reply