ABWAAN QARAN OO MAANTA DADKIISA U BAAHAN (FADLAN HAKA JEESAN OO CAAWI WALAALKAA).

Si kasta oo aad Tariikh iyo sooyaal wax qabasho ugu lee dahay Hadana xiliga aad dhibatasan tahay waa kuwa indhaha kaa laabanaya kuwa dhaqaalaha haysta Hadana waxay ku fanayaan wax galnimadaadii Waxaana midaas sii dheer in marka aad dhimato lagugu dul ooyo ayadoo la lee yahay wuxuu ahaa halyay umada somaliyeed usoo baxay qalbiyadeenana waad ku baaqi ahaan doonta kuma ilaawi doono waxayna dhimashadada kadib qasaarin doonaan kumaan doolar iyo xoolo Fara badan adiga oo laga yaabo in nolashada lagu Bad baadin karo wax yar oo shilimaada kuwaasi oo la awoodo Kani waa abwaan.

Barleex oo ah qof Gobonimada Soomaaliya kaalin xoogan uga jira wax badana ka Hadlay qadiyada Soomaliyeed iyo dowlad nimadeeda asagoo ku waayay walalo iyo waalid badan kuwaasi oo ahaa Indheer garad ay ubahanayeen bulshada Soomaaliyeed.

Waa abwaan Hadii ALLE caafi maad siiyo wax badan laga Dhaxli karo kaalin wayna uga jira fanka Soomaaliyeed, abwaan Baarleex waxaa laga hayaa dhanka wadnaha asagoo xanuun sanaa sanooyinkii danbe hadana xanuunkiisu waa mid sii kordhaya maalinba maalinka ka danbeeya Mana jirto cid caawisay ilaa iyo hada waxaana dhiig ka imanaya Qaybta Hoose ee sanbabada ama gudaha jirkiisa.

Sida aad uga jeedaan sawirada ku lifaaqan Qoraalkayga Fadlan muwaadin haddii aad kaalin ka qaadan karto xalada caafi maad ee abwaanka aadna awoodo inaad jeebkaaga wax ka bixiso waxaad kala xariiri kartaa, Tel: 00252613169406.

Fadlan hakala baqaylin xitaa Nus Doolar ama ka yar ama ka badan wixii aad awoodo, walaal Hadii aadan awoodin inaad dhaqaale ku kaalmayso fadlan ku caawi inaad sii faafiso Caawi ama Faafi Qormadaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAAL AAD KA ARGAGIXI DOONTID.

W/Q Abdirizak Ali Hassan

Leave a Reply